RAMADAANKA IYO FAA’IIDOYINKIISA CAAFIMAAD

Image
WAA MAXAAY RAMADAAN?  Ramadaan waa bil kamid ah, bilaha hijriyadda waana bisha 9aad ee tirsiga bilaha hijriga. Ramadaan waa bil ay soomaan muslimiinta dunidu, waxa ayna leedahay faa’iidooyin kala duwan iyadda oo leh fadli iyo barako ay dhertahay bilaha kale ee hijriyadda. Waa bil ilaah addoomadiisa ugu dambi dhaafo, isla markaana aqbalo baryadda iyo cibaadaadka ay lagaarka tahay bishani ramadaan. Bisha ramadaan waa bisha ay ku jirto habeen ka barako badan 83 sanno, muslimiinta duniduna rabbi kabaryaan in habeenkaasi fadliga badan eebbe haleeshiiyo isla markaana aqbalo baryaddooda, sidoo kalena ugu dambi dhaafo kana yeelo kuwo lagu daro liiska kuwa laga xoreeyo naarta.  Ramadaan waa bil tirisiga maalmaheedu noqdaan 29 ama 30 maalimood. Ramadaan waa bisha Quraanka eebbe soo dajiyay, wana bisha Quraanka soo dajintiisu soo dhameystirantay. Ramadaan waa bil maalinkii oo idil ay Soomaan Muslimiintu ayna sidoo kale ka dheeraadan cunista, cabista iyo waxyaabaha kale ee wax u dhimaya s...
Khaadka Iyo Dhibaatoyinkiisa:

Khaadku Waa Maandooriye Ka Mid Ah Maandooriyayaasha Saameeya Jiritaanka Nolosha Aadanaha Gaar Ahaanse Isticmaalayayaasha Cuna Khaadka.

Hadaba Khaadka Waxaa Siweyn looga Isticmaalaa Waddamada Somaliya, Ethopia, Kenya, Yeman , Djabouti iyo kuwa kale .

Waxaana Dadka Isticmaala Khaadka Isugu Jiraan Dadka Qaybihiisa Kala Duwan Sida, Kuwa Kunool Dabaqada Sare, Dhexe iyo Hoose.

Khaadku Waxa Uu Sababaa Bur Bur Dhaqaale Iyo Waliba Caafimaad Daro.

Dhibaatoyinka Kadhasha Khaadka Ama Uu Ukeeno Dadka Isticmaala Waxaa Kamid Ah:
Madax-xabuun, misaanka Qofka Oo Isdhima, Cagaarshow, Kaadi Dhiig iyo Waliba Xanuuno Kale Oo Khatar ku Ah Caafimaadka Isticmalaha.

Waxaa Khaada, Maansooyin, Geeraaro, Heeso iyo Baraanburo Kasameyay Abwaanada Iyo Fanaaniinta.

Waxaa Kadigay Kana Hadlay Khatartiisa Culimada iyo Dhaqaatiirta Somaliyeed.

Waxaa Wax kaqoray Qoraayaasha Somalida Balse Waxaa Muuqata In Cunistii Khaadku Ay Wali Sii Socoto Marka Laga Reebo Inyar Oo Iska Joijisay. Una Badbaadeen Dhaqaale Kaga Bixi Jiray Cunista Khaadka.

Khaadka waxa dalka uu kasoo galaa dowlada dhanka kenya waa gobolada koonfurtee, halka gobolada waqooyina kasoo galo dhanka Ethiopia.

Sanadkii waxaa kubaxa kharash gaaraya malaayiin dollar-ka mareykanka ah.

Kadib xumaanshaha xiriirka dowlada Kenya iyo somaliya, waxa ay ganacsatada kenyanka ah ee somaliya khaadka usoo dhofisa kudhawaaqeen in ay joojinayaan khaadka somaliya ay usoo diraan hadii somaliya aynan xaalada dejin.

Khaadka oo soomaaliya laga joojiyo maxaa Dan ah oo ugu jirta somaliyada?

Khaadka oo ah dilaa ladagay bulshada dhaqaale ahaan iyo caafimaad ahaanba ayaa hadii lajoohiyo waxa soo badbaadaya dhaqaale kubixi jiray meel aan munaasib Ku ahayn, lacagta malaayiinta ahna waxa ay kusoo noqoneysaa isla gudaha dalka, waxaana koror Ku imaanayaa dakhliga dalka.
Dhaqaalahaa intaa la egna hadii lagu maalgaliyo gudaha dalka wax weynbuu katarayaa.

Waxa laga baxayaa faqriga, waxaana tacab loogu baxayaa dhul beereedka dalka, waxaa shaqadodii si toos ah u qabsanaya askartii uu ladagay maandoriyahaan.

Waxaan shaki kujirin in hadii khaadka somaliya laga joojiyo isbadal dhacayo, dhanka kalana ee Kenya waxaa ciriiri soo food saaraya ganacsatada Kenyan's ah ee Ku goodinaya inay joojinayaa udhoofintiisa somaliya, waxa ayna weynayaan suuq faaido fowqal caqli ah kasoo gali jirtay.

Ganacsatadeena ha udamqadaan dadkooda iyo dalkooda iyaguna ha diideen.

Comments

Popular posts from this blog

MUQDISHO: WADNE SHAQADII GEBAY OO HOWL-GELIN UBAAHAN

RAMADAANKA IYO FAA’IIDOYINKIISA CAAFIMAAD