12-ka November, sanad waliba waxa dunida laga xusaa maalinta caalamiga ah ee oofwareenka adduunka. Maanta oo kale waxa dunida laga sameeya wacyigelin iyo olole baraarujineed oo kor loogu qaadayo wacyiga oofwareenka iyo dhibaatada uu leeyahay.
Oofwareenku(Pneumonia), waa xanuun ku dhaca neefmareenka gaar ahaanse, sambabada qaybaha hoose ee kiishashka hawada(Alveoli) iyo interstitial spaces-ka. Waxa sababa xanuunkani waa bakteeriya, sidoo kale waxa sababi kara fayruska. Oofwareenku waa xanuunka ugu badan ee dila caruurta ka yar da'da 5 jirka. Sanad waliba waxa u geeriyooda xanunkani 740 000 oo qof.
Astaamaha aad ku garan karto, xanuunkani waxa kamid ah: qufac (badanaa qalalan), neefta ku dhibta, xabad xanuun, qandho, garaca wadnaha oo kordha, madax xanuun, dhidid, lalabo ama matag. Waxa sidoo kale jira astaamo kale laakiin aan kuwo badanaa la arko aheyn waxana kamid ah, qufac dhiig lasocdo, xiiq, daal, kalagoysyo xanuun iyo murqo xanuun.
YAA HALIS UGU JIRA AMA UU XANUUNKANI HALEELI KARAA?
Xanuunkani waxa uu ku dhici karaa ama halis ugu jira in uu ku dhaco:
1. Dhalaanka iyo caruurta yaryar
2. Dadka da'da ah
3. Sigaar cabayaasha(dadka caba sigarka)
4. Bukaanada qaba xanuunada, kilyaha, beerka, wadmaha iyo neefta.
5. Dadka difaaca jirkoodu hooseeyo iyo kuwa qaba xanuunada AIDs-ka iwm.
HABKA BAARISTA XANUUNKA OOFWARENKA?
Oofwareenku, waxa u ubahanyahau hubin ama baaris saxan. Waxa uu astaamo la wadaagaa xanuunkani neefta, xanunka tuboyinka hawo marenka iyo hargabka.
Waxa la adeegsan karaa baaritaanada kala ah, Raajada xabadka(Chest X-ray), baaris dhiiga ah(Blood test), Xaako bacrimin(Sputum Culture), Bronchoscopy(Tuubo hawo marenka lamaesinayo) iyo CT Scan.
DAAWEYNTA XANUUNKA OOFWAREENKA(Pneumonia)?
Daaweynta xanuunkani waa mid sahlan, oo la daweyn karo, hadii sababaha xanuunku yahay noolaha ilma aragtada ee bakteeriyada ah, waxa la isticmaalayaa Qalajiyayaal. Xaaladaha kale ee la arko waa lala tacaalayaa si bukaanku u helo bogsasho hagaagsan. Hadii uu heerka xanuunku yahay mid sahlan oo bukaanka gurigiisa lagu dabiibayo waa in uu dawada si saxan u isticmaalaa, nasiino helaa, cabitaan badana cabaa. Hadii xaladisu ay tahay mid daran, waxa lagu dabiibi doonaa isbitaalka ama xarunta caafimaad.
Waxa jira talaal xanuunkani loogu talo galay, oo la siin karo dadka halista ugu jira.
HABKA AAD UGA HORTAGI KARTID XANUUNKANI WAXA KAMID AH:
1. Marki aad qufaceyso ama aad hindhiseyso in afkaada aad ku daboosho, tiish ama istiraasho nadiif ah
2. Gacmaha inaad iska dhaqdo oo aad nadiifiso si aynaan noolayasha sababa xanuunku kuugu gudbin.
3. Tiishka ama marada aad isticmaasho oo aad iska dheereyso, dadka kale aan dhibeyn oo aad ku darto weelka qashinka iwm.
4. Yareynta wasakheynta hawada
5. Isticmaalka cuno dheelitiran
6. Kala foganshaha caruurta sigaarka marki aad cabeyso.
Ka dhowr dhalaanka iyo caruurta yaryar xanuunkani, katalaal dadka waaweyn kana dheerow cabista sigaarka.
Cabdixakiim Sh Cabdullaahi.
Comments
Post a Comment