RAMADAANKA IYO FAA’IIDOYINKIISA CAAFIMAAD

WAA MAXAAY RAMADAAN? 

Ramadaan waa bil kamid ah, bilaha hijriyadda waana bisha 9aad ee tirsiga bilaha hijriga. Ramadaan waa bil ay soomaan muslimiinta dunidu, waxa ayna leedahay faa’iidooyin kala duwan iyadda oo leh fadli iyo barako ay dhertahay bilaha kale ee hijriyadda. Waa bil ilaah addoomadiisa ugu dambi dhaafo, isla markaana aqbalo baryadda iyo cibaadaadka ay lagaarka tahay bishani ramadaan. Bisha ramadaan waa bisha ay ku jirto habeen ka barako badan 83 sanno, muslimiinta duniduna rabbi kabaryaan in habeenkaasi fadliga badan eebbe haleeshiiyo isla markaana aqbalo baryaddooda, sidoo kalena ugu dambi dhaafo kana yeelo kuwo lagu daro liiska kuwa laga xoreeyo naarta. 

Ramadaan waa bil tirisiga maalmaheedu noqdaan 29 ama 30 maalimood. Ramadaan waa bisha Quraanka eebbe soo dajiyay, wana bisha Quraanka soo dajintiisu soo dhameystirantay. Ramadaan waa bil maalinkii oo idil ay Soomaan Muslimiintu ayna sidoo kale ka dheeraadan cunista, cabista iyo waxyaabaha kale ee wax u dhimaya soonkooda. 

Ramdaan waxa leedahay labo waqti oo wax cunis ah waana Af-furka oo ah waqti ay muslimiintu furayaan soonka ay maalintii soomanayeen waana xiliga uu ubilaabmayo wax cunistu. Waxa kale oo Ramadaan leeyahay waqti kale oo ah Suxuur taasi oo musliimtu usoo kacaan wax cunis ama cabid ay ugu tamar qaadanayaan soomida maalin bilaabmi doona iyadda oo ay tahay barako suxuurtu sida nabigeenu muxamed inoo cadeeyay. 

Habeenki waxa kujira salad taraawiix oo ay muslimiintu jamac ugu ooggaan masaajidaa, iyadda bisha ramadaan gudaheeda quraanka ku khatima ku dukashadda salaadda taraawiixda. Bishani Ramadaan waxa ay leedahy fadli iyo barako dheeri ah oo uu ilaahay addoomadiisa faray in ay ka faa’iideystaan kana abaal marin doonno. Marka laga soot ago fadli iyo barakooyinka badan ee bisha Ramadaan ku xusan waxa ay sidoo kale leedahay Faa’iidooyin caafimaad sida aan hoos ku xusnayba. 


WAA MAXAAY FAA’IIDOOYINKA CAAFIMAAD EE SOOMIDA BISHA RAMADAAN? 

Bisha Ramadaan oo ah, bil ay Soomaan Malaayiin musliim ah oo dunida ku nool sanid waliba marka laga soo tago faa’iidoyinka cibaadadka iyo barakoyinka ay gaarka latahay waxa ay sidoo kale leedahy faa’iidoyin caafimaad ee qofka sooman anfacaya, waxana aan qaybo kamid ah ku xuneynaa faa’iidoyinkaasi qodobadani hoose. 

 1. KORDHINTA DIFAACA: Difaaca jirkeenu waa uu xoogeystaa marka aynu soomanahay. Hoos udhaca infakashinada iyo dheelitiran la’aanta udhaxeysa Radicaliska xorta ah(Free Radicals) iyo Antioxidants waxa yareysaa soo saaridda Pro-inflammatory cytokines-ka iyo kordhinta soo saarka antioxidants-ka , kuwaas oo caawiya la dagaalanka xaaladaha caafimaad daradda iyo cuduradda. Aragtida nafaqoyahanadda ayaa ah, in soomku uu xoojiyo gidaarka mindhiciradda iyo nadiifintooda, sidaa daraadeedna ay dhiirigeliso Autophagy-ga ama hanaanka unugyaddu ku burburinayaan nafsad ahaantooda waxyaabaha halista ama saameynta kuleh caafimaadka. 

 2. Caafimaadka Wadnaha: Soomku waxa uu u wanaagsan yahay, waxtar weyna u leeyahay caafimaadka wadnaha. Waxa uu yareeyaa cadaadiska dhiiga iyo heerarka dufinta(Cholesterol levels) taas oo caawisa hoos udhigista inflamations-ka sidoo kalena hormarisa qulqulka dhiigga. Tani waxa ay yareyneysaa halista cuduradda wadnaha iyo faaliga(Stroke). Sidaa daraadeed, shaqsiyaadka leh xaaladdo caafimaad darro oo hore, waxa muhiim u ah in ay la tashadaan dhaqtarkooda kahor soomida. 

3. Miisaanka: Soomku waa hab waxtar weyn leh oo aad ku yareyn karto miisaankaadda. Adiga oo xakameynaya cuntada aad isticmaaleyso, yareynaya xadiga kaloriga(Calorie) eed qaadaneyso ayaad dhimi kartaa miisaankadda inta lagu guda jiro bisha ramadaan. Inaad sameyso jimicsi, sidoo kalena cuntid cunto waxtar leh saacadaha aadan soomaneyn waxa ay kaa caawineysaa in aad yareyso ama aad dhinto miisaankaadda. 

4. Hormarinra Dheefshiidka: Soomku waxa uu hormariyaa dheefshiidka. Waxa uu jirku kanasanayaa cuntooyinka tirada badan ee saameynta kulahaa hanaanka shaqo ee dheefshiidka waxana jirku uu saarayaa sunta iyo waxyabha halista ku ah jirka. 

5. Ka hortaga kansarka: Daraasado faraban oo lasameeyay sanooyinkii lasoo dhaafay ayaa soo jeediyay in soomida bisha ramadaan ay hoos udhigto halisaha horseeda kansarka, yareyso astaamaha xanuunada halista ah. Soonku waxa uu caawiyaa in ay starve-garoobaan unugyadda kansarka, taas oo u nugleyneysa difaaca jirka. 

6. Hoos udhigida walwalka: Soomku waxa uu hoos udhigaa walwalka, iskubuuqa iyo diiqada. Waana waqtiga ay qoysasku yeeshaan kulamo affur ama isla cunteyn. Hurdada iyo isbadalka cunno qaadashadda ayaa qayb ka ah safarkani. 

7. Hormarinta Maskaxda: Soomku waxa uu sidoo kale leeyahay faa’iidooyin caafimaad maskaxiyeed farabadan sida kordhinta heerarka faktarada koriinka neerfaha(NGF). Borotiinkani waxa uu caawiyaa joogteynta korinka neerfaha, taran dhaqsiyeedka iyo noolansha. NGF waxa ay ahmiyad uleedahay koriinka neerfaha iyo shaqada CNS iyo Peripheral nerves-ka. 

Dhamaan faa’iidoyinkaasi iyo inkaloo kabadan ayuu leeyhay soomku. Waana fursad ay tahay in laga faa’ideysto. Bukaanada qaba xanuunadda gaarka ah ama ay suurtagalka tahay in ay halis caafimaad dareemaan waxa haboon in ay la tashadaan dhaqtarka si ay u helaan talooyin iyo talaabooyin caawinaya caafimaad qabkooda.

W/Q: Abdihakim Sheikh Abdullahi

Comments

Popular posts from this blog

MUQDISHO: WADNE SHAQADII GEBAY OO HOWL-GELIN UBAAHAN