RAMADAANKA IYO FAA’IIDOYINKIISA CAAFIMAAD

Image
WAA MAXAAY RAMADAAN?  Ramadaan waa bil kamid ah, bilaha hijriyadda waana bisha 9aad ee tirsiga bilaha hijriga. Ramadaan waa bil ay soomaan muslimiinta dunidu, waxa ayna leedahay faa’iidooyin kala duwan iyadda oo leh fadli iyo barako ay dhertahay bilaha kale ee hijriyadda. Waa bil ilaah addoomadiisa ugu dambi dhaafo, isla markaana aqbalo baryadda iyo cibaadaadka ay lagaarka tahay bishani ramadaan. Bisha ramadaan waa bisha ay ku jirto habeen ka barako badan 83 sanno, muslimiinta duniduna rabbi kabaryaan in habeenkaasi fadliga badan eebbe haleeshiiyo isla markaana aqbalo baryaddooda, sidoo kalena ugu dambi dhaafo kana yeelo kuwo lagu daro liiska kuwa laga xoreeyo naarta.  Ramadaan waa bil tirisiga maalmaheedu noqdaan 29 ama 30 maalimood. Ramadaan waa bisha Quraanka eebbe soo dajiyay, wana bisha Quraanka soo dajintiisu soo dhameystirantay. Ramadaan waa bil maalinkii oo idil ay Soomaan Muslimiintu ayna sidoo kale ka dheeraadan cunista, cabista iyo waxyaabaha kale ee wax u dhimaya s...
Soomaalay Dantaa Garo: 

Waxa mahad oo dhan usugnaatay illaah(SW), oo inaga dhigay umad Muslim, Afrikaan ah. Ina siiyay dhul, dhaqan iyo Af aan kala dhicin intaba.
Waxaa mahadaas oo dhanba usugnaatay illaah(Sw), waxaadse moodaa in aan kabaahanay nimcooyinkaas, oo aan xitaa aan dareersaneen badideen.

Dalkeenu waxa uu soomaray marxalado kala duwan, kuwaas oo badankood laga dhaxlay samaan iyo xumaanba. Waxa uu dalkeenu soo maray, marki lasoo koobo 3-Marxaladood, kuwaas oo kala ah, Marxalad Gumeysi, Marxalad maamul dowladeed oo dalka soo maray iyo Marxaladaan aan hada kujirno ee burburka ah.

Dadkeenu waxa uu lahaa sharaf iyo haybad tan maanta ay haystaan kasareysay, waxa aan dunida kulahayn ixtiraam, qadarin iyo Maamuus goonni ah. Waxa uu dalku galay marxalad burbur, oo sabab unoqotay in ay dumaan dhamaanba, waxyaabihii lagu yaqaanay bulshadeena, waxaa lumay kalsoonidii, sharafkii, aaminaadii iyo haybadii lagu yaqaanay bulshadeena.
Waxaa bulshadeena kushaabadaysan/ kushaabadaysmay in ay yihiin, bulsho isku Af, isku diin iyo isku dhaqan ah oo aan is aaminikarin, isneceb, isdhaceyso muslinimana sheeganeysa. Waxaa shaki kujirin, in la inaga faaideysanaayo oo qoom kale ka shaqeynayaan burburkeena, is aamidaad la'aanteena iyo isleynteenaba.

Balse waxaa isweydiin mudan xiliga aan garaneyno?? Xiliga aan danteena ka shaqaynayno??, Xilliga aan umad ahaan is aamineyno oo aan iskuduubnaneyno??.

Waa isweydiin cajiib ah, oo hadii aad isweydiiso, durbaba maskaxdaada kusoo dhacayaan, Warcelino kala duwan, oo qaadaneysa waqti in laga sheekeeyo ama Sharaxad lagu sameeyo.

Warka yaan kugu daaline, waxa aan soo xasuustay Heestii "Gubaabo" oo uu Erayadeedu lahaa, Cabdiraxmaan Xasan Dhug-dhugle, kuna luqeynayay Fanaanka Bashiir Cali Xuseen. Waxa kamid ahaa Heestaa Nuquladaan:

- Soomaalaay Soomaalay.   
- Soomaalay dantaa garo
- Gacal kala irdhoobiyo         
- Goboleeysi jeceleeey
- Golayaal bilaashiyo             
- Garwadeeno badaneey
- Geeleeda oo dhalay             
- Gorof maran ka sidataay
- Gacma hoorsi badaneey     
- Gaadiidkii nacabkaay
- Go'dayoo gab noqotaay       
- Gulufkiyo colaadiyo
- Gaajadiyo dhibaatada         
- Goormaad kabixiyoo
- Garab tagi asaagaa........

Heestu waa siisocotaaye, maxaa warcelin ah oo aad kabixin lahayd goorta ay garabtagi asaageed??
Warka yaan kugu daaline, aan is aamino oon is jeclaano, ilaahayna aan ulaabano, oo aan noqono umad is wada jecel, isuna dhimrisa illaah idamkii.

Fg: Ha iigu caroon qoraalkaan, in aan qaab dhamaystiran udhigi waayay, aniga oo aan aqoon qoraaleed aad uweyn ulahayn, weydiimaha badan ee maskaxdeydu isweydiineysay iyo sababo kale oo isbiirsaday.
Waad kumahdsantahay aqrinta qoraalkaan, Waxa aana awood ogolaansho oo buuxda uleedahay, in aad qaaadan kartid, wax kudari kartid, waxna kabadali kartid adiga oo aan, Ku xadgudbeynin qoraalka, oo aan macnaha qoraalka dileynin.

Qalinkii: Abdihakiim Sh Abdullah jama

Comments

Popular posts from this blog

MUQDISHO: WADNE SHAQADII GEBAY OO HOWL-GELIN UBAAHAN

RAMADAANKA IYO FAA’IIDOYINKIISA CAAFIMAAD