"KALIGAA ISDIL, OO DADKA KALE HA GALAAFAN"
Horudhac:
Waxaa mahad iskaleh Allah(SW) oo ii suurto geliyay in aan qorro qormadaan yar ee aan uga hadlayo, macluumaad guud oo kusaabsan maandooriyaasha, si gaar ahna taabuugga oo sanadaan dambe ay aad u kordheysay isticmaalka iyo iibintiisaba.
Si aad ugga hesho faham guud waxa uu yahay taabuugga, halka laga isticmaalo iyo dadka isticnaalaba ha ka caajisin aqrinta qormadaan yar ee aan kuuggu bidhaaminayo.
Dalalka dunnida waxaa laga isticmaalaa maandooriyayaal kala duwan mid walibana waxa uu reebaa ama laga dhaxlaa dhibaato, hadaba qormadaan waxa ay sidoo kale iftiiminaysaa tirroyin maandooriyayaal kale ah oo laga isticmaalo dalkeena, yaa isticmaala, halkee lagu isticmaalaa IWM, waxa aad sitoos ah weydiimahaan oo kale ugga helaysaa iyaga oo faahfaahsan isla qormadaan dhexdeeda. Si aad udhuuxdo macluumada ay xambaarsantahay qormadaan waa in aad siisaa maskax soo jeedda, una hamuun qabta aqrinta iyo kuraaxaysiga qormadaan.
Macluumaad kusaabsan Maandooriyayaasha si gaar ahna Taabuuga.
Dunnidaan aan kunoolnahay waxa jirra dalal farabadan oo lagu warshadeeyo nuucyo farabadan oo maandooriyayaal ah, waxaana laga isticmaalaa dalal aan lagu warshadeyn ama lagu warshadeyn jiray iyo kuwo aan hada aan lagu warshadeyn sida somaaliya oo kale.
Maandooriyayaasha sida weyn dalkeena looga isticmaalo waxaa kamid ah Tubaakada nuucyadeeda kala duwan, Tubaakada caadiga ah, sigaarka, taabuuga, Shiishada ama badeecada, khaadka, Kiniiniyaasha La isku daroogeyo IWM.
Khaadka oo ah dilaa ladegay bulshada soomaaliyeed dhaqaale ahaan, dhaqan ahaan iyo caafimaad ahaanba ayaa waxa si weyn looga isticmaalaa dalalka geeska afrika dhaca iyo dalka yeman.
Khaadka oo laga isticmaalo magaalooyinka waaweyn ee soomaaliya ayaa waxa uu iska noqday isticmaalkiisu wax iska caadi ah oon loo arag dhibaato halis caafimaad keeni karta. Balse xirfadlayaasha iyo ku xeel dheerayaasha arimaha caafimaadka ayaa kadiga halista caafimaad darro ee kadhalankarta isticmaalka maandooriyaha khaadka. Isticmaalayaasha khaadka ee somaliya ayaa waxa ubadan raga iyada oo mararka qaar la arko haween isticmaalaya haba yaraadeene tiro ahaan.
Tubaakada iyo Shiishada ayaa iyana iska noqday wax aan lala yaabin waxaana dhalinyaradu ka dhigteen dabeecad iyaga oonan u arag dhibaato. Isticmaalayaasha shishada ayaan ukala soocneyn rag iyo dumar waxaana la isula cabaa si wadajir ah (meelaha qaar).
Tubaakada nuuca lacalaanjiyo ayaa waxa laga isticmaalaa deeggaanada kafog caasimadaha dalka, waxaana ubbadan oo isticmaala dadkaa reer miyiga ah. Sigaarka ayaa isna si weyn looga isticmaalaa gudaha dalka walow ay isticmaalkiisu ubadanyihiin dadka da'da ah ama kor udhaafay 40-ka (Lab iyo dhedigba).
Iyada oo dhalinyaro iyo dhexdhexaadba ladaala dhacayaan dhibaatada maandooriyayaasha aan kor kusoo xusay ayaa waxa sanadahaan dambe soo ifbaxay maandooriye aan ka khatar yareyn maandooriyayaashaa Kore.
Hadaba maandooriyahaan ayaa kaqiimo yar khaadka, waxaana kharash ahaan lagu iibinayaa wax aan dhameyn $0.5 bakadii. Xabad ama labadiisa mir ayaa lagu iibinayaa wax kayar 2,000 Sh.so balse kadhibaato badan qiimaha lagu iibiyay.
Hadaba waxa aan qormadaan kuugu bidhaaminayaa waxa uu yahay maandooriyahaa iyo khatarta caafimaad ee uu leeyahay? Waana muhiim in aad Faham kaheysato maandoriyahaan.
Maandooriyahaan ayaa loogu yeraa gudaha dalka magac isku mid ah laakiin Ku kala badalan dhawaqa iyo xarfo yar oo isbadal kuyimid. Waxaana dadka qaarkii uyaqanaan Taabuu, Taambuug ama Taambuu.
Sidad doonto ugu dhawaq lkn muhimadu waa Garashada waxa uu yahay, waxyeelada caafimaad darro ee laga dhaxlo iyo sida la isaga ilaalin karro.
Waa MaxaayTaabuu/taambuug ama taambuu?
Taambuugu / Taabuugu waa nuuc kamid ah daroogoyinka kafaracsama tubaakada waxa uuna kamid yahay nuucyada ugu khatarta badan tubaakada.
Tubaakada nuuca aan qaaca lahayn ayaa loogu yeraa Smokeless tobacco. taambuuguna waxa uu qayb kayahay tubbaakooyinka aan qaaca lahayn.
Magacyada tubaakoyinka kale ee aan qaaca lahayn ayaa waxa kamid ah Chewing Tobacco, Snuff, Snus tobacco (Taambuu).
Qaabkee ayaa loo isticmaalaa taambuga ama taabuuga?
Taambuuga/taabuuga oo kamid ah tubaakooyinka khatarta badan gaar ahaanse kuwo aan qaaca lahayn ayaa Marki la isticmaalayo waxa lagaliyaaa inta udhaxeysa faruurta Kore iyo ciridka, halka dadka qaarna ay galiyaan faruurta hoose iyo ciridka inta udhaxeysa.
Waa maxaay Waxyaabaha uu kakoobanyahay iyo sababta loo isticmaalayo taambuuga?
Taambuuga oo ah maandooriye halis ah ayaa waxa uu ka koobanyahay maadooyin kiimikeed oo kor udhaafaya ilaa 28-nuuc. Waxaana kamid ah maadada Nicotine oo ah maando kujirta tubaakada nuucyadeeda kala duwan sida sigaarka waana maado uu jirku si daran usoo nuugo waana sababta loo galinayo ciridka iyo faruurta inta udhaxeysa. Waxaa sido kale waxyaabaha ay ka koobantahay kamid ah Salt peter, cadmium, polonium, lead, nitrosamines, arsenic, nickel, uranium 235, uranium 238 iyo kuwo kale oo farabadan.
Sababta ama ujjeedada ugu weyn ee ay isticmaalayaashu ku sababeeyeen ayaa ah in ay kahelayaan firfircooni iyo Farxad dherri ah.
Yaa isticmaalo inteese laga isticmaalaa?
Taambuuga ama taabuuga marki aynu kafiirino dhanka caalamka waxaa laga isticmaalaa wadamo badan waxaana ugu horeeya dalka Sweden.
Dhamaan wadamada reer yurub waa kamamnuuc in lagu iibiyo ama lagu isticmaalo tubaakadaan marki laga reebo dalka Sweden oo si bahalnimo ah looga isticmaalo.
Isticmaalka iyo soo saarida maandoriyahaan ayaa so bilowday qarnigii 18-aad waxa uuna soo maray heerar kala duwan ilaa iyo maantadaan. Waxa kale oo maandooriyahaan si weyn looga isticmaalaa dalka India oo isna sidoo kale laga isticmaalo maandooriyayaal khatar ah aadna ufarabadan.
Soomaaliya yaa isticmaalo, intee lagu isticmaalaa, halkeese dalka kasoo galaa?
Taambuuga ama taabuuga marka laga hadlayo gudaha dalka waa si weyn u isticmaalaa dhalinyarada udhaxeysa da'da 30 - 13 jir, Kuwaas oo isugu jira lab iyo dhedigba.
Dhalinyarada ugu badan ee isticmaasha taambuuga waa wadayaasha gadiidka loo yaqaan Bajaajta, waxaa soo labeeya ardayda jaamacadaha, ardayda dugsiyada dhexe iyo sare, isticmaalayaasha qaadka ayaa iyana isticmaalaa maandooriyahaan.
Dhalinyarada waxbarata ee isticmaasha maandooriyahaan waxaa ugu badan wiilasha waxa soo raaca gabdhaha.
Taambuuggu ama taabbuuggu isticmaalkiisu kuma koobno kaliya labka (ragga) balse waxa kale oo iyana isticmaala dheddiga(haweenka).
Dadka nadaafada goobaha waxbarashada kashaqeeya ayaa sheegay in xashka baakadaha taambuuga laga dhameemay ay kasoo xaaqaan fasalada iyo musqulaha kuyaal goobaha waxbarashada.
Dhalinyarada isticmaasha taambuuga ee dalka ayaa waxa ay kunoolyihiin magaloyinka waweyn ee dalka, ayna uguna horeyso caasimadda dalka.
Xagee dalka kasoo galaa taabuugga?
Sida aan kasoo xigtay qaar kamid ah ganacsatada taabuuga Ku iibiya sandaqadaha yar yar ee kuyaal magaalada muqdisho ayaa waxa ay ii Sheegeen in taambuuga uu dalka kasoo galo labo dhinac kuwaas oo ah in uu kasoo galo dhanka Kenya iyaga oo iisheegay in uu soo raaco duyuuradaha qaadka keena soomaaliya. Tan labaad ayaa iyana ah in uu kasoo galo dalka dhankaa iyo dalka hindiya (India) oo si weyn looga isticmaalo Taambuuga iyo maandoriyayaal kaloo badan.
Nuucyada ugu badan taambuuga oo laga isticmaalo soomaaliya waa kuwee?
Taambuugga ama taabuugga waxa dalkeena soomaaliya laga isticmaalaa labo nuuc oo kala ah Hot iyo Galaxy kuwaas oo labaduba kala daran, waxaase dhici karta in nuucyo kale oo cusub soo kordhaan sababo laxiriira Koontarool la'aan (Without control) dhanka waxyaabaha soogalaya dalka.
Ma wataa taambuuggu ama taabuuggu fariimo loogu digayo isticmaalaha?
Haa, maandooriye walba waxa laga dhaxlaa dhibaato caafimaad darro, balse dhibaatadataas caafimaad darro waxa looga digaa qofka inta uusan isticmaalin maandoriyaha waxaana baakadaha lagu keeno ama lagu iibiyo dusha sare kaga qoran digniin. Digniintaas oo toos ula hadleysa qofka isticmaalaha maandoriyaha. Badanaa digniimahaas waxa ay kuqorantiyihiin Afafka Carabiga iyo English-ka oo si weyn loogaga hadlo dunidaan.
Maxaa kamid ah Fariimaha loogu digayo qofka isticmaalaya Tubaakada ama taabuugga?
Waxaa jira fariimo loogu digayo dadka isticmaala maandooriyaha ay kujiraan tubaakada sida tubaakada caadiga ah, sigaarka, taabuugga ama taambuugga iwm.
Waxa kamid ah fariimahaas Tubaakadu aad bay uwaxyeeleysaa caafimaadka waana digniin halisteeda leh iyada oo laguugu tilmaamay kalimad Aad,
Waxa kale oo kamid ah digniinahaas Tubaakadaan waxa ay waxyelaynaysaa caafimaadkaada, waana mid ay adagtahay inaad joojiso kadib isticmaalkeeda”
Waxa kale oo iyana kamid ah tubaakadaan waxa kaa soo gaaraya waxyeelo kabadan waxa aad ka raadinayso, waxa iyana sidoo kale kamid ah Tubaakadaan waxa ay kugu sababeysaa kansarka, wadne istaag, iyo dhimasho IWM.
Waxaana isweydiin mudan sababta aan u isticmaaleyno inaga oo digniita ujeedna.
Waa maxay Khataraha caafimaad darro ee uu sababo taabuuga ama taambuuga?
Waxaa shaki kujirin in maandooriye walba uu wato dhibaato caafimaad ee uu reebo. Waaxaana uu reebaa ama keenaa maandooriyahaan dhibaatoyin caafimaad waxaana kamid ah:
1. Maandooriyahaan taambuuga ayaa waxa uu sababaa kansarka kudhaca cunaha, faruuryaha iyo Ciridka.
2. Waxa kale uu sababaa Burbur kudhaca ilkaha (Tooth Decay) waana waxa ugu badan ee lagu arko isticmaalayaasha waqtiga dher isticmaalayay maandooriyahaan.
3. Waxa kale uu sababaa kansar kudhaca ciridka ama halki uu saari jiray isticmaaluhu maandooriyahaan waxaana guud ahaanba isbadala goobta uu sari jiray waxa ayna noqotaa mid dhamaata oo go'da.
4. Isticmaalka tubaakada taambuuga ayaa waxa sido kale ay sabataa cudurada kudhaca wadnaha taas oo sabab unoqota in uu wadnuhu shaqadiisa Gabo kadibna sameeyo istaag.
5. Waxa kale uu sababaa sokorowga ama macaanka nuuciisa labaad,
Dhiigkar iyo xanuuno kale oo lahalmaaala.
Taambuuga ama taabuuga ma khatar ayuu kuu keeni karaa hadii aktaada lagu isticmaalo?
Sigaarka iyo maandooriyayaasha qaaca bixiya waxa ay qofka agtiisa lagu isticmaalo Ku reebaan sun, suntaas oo laga yaabo in ay khatar ugeysato qofkii jiiday qaacii sunta ahaa ee sigaarka. Hadaba taambuuga oo kamid ah tubaakoyinka nuuca aan qaaca lahayn ayaa ah waxa uusan awood ulaheyn hadii agtaada lagu isticmaalo in uu saameyn kuu geysto, hadii saaxiibadaada kugu ag isticmaalayaan waxba saameyn ah kuguma yeelanayo.
Waa dilaa si shaqsi ah u asiibaya isticmaalaha, dadka kale kula qaybsan maayaan khasaaraha kaa soo gaaraya waana sababta aan uggu addeegsaday oraahdaan ah “
Taambuugu waa Dilaa ah kaligaa isdil oo dad kale ha galaafan.
“Waxaana ayaan darro ah in dhalinyaradeenii waxbaratay ama kujirta heerka waxbarasho ay gacantooda kudoonanayaan dhibaato halis galineysa xaaladooda caafimaad.”
Waxa uu Allah quraankiisa kuyiri Gacmihiina halaag ha Ku doonanina waxaana moodaa in lagu doonanayo iyada oo la ogyahay khatarta ka dhalan karta.
Hadii aad isticmaashid taabuugga ama taambuugga ama aadan isticmaalin:
Hadii aad isticmaashid taambuugga kana tirsantahay isticmaalayaasha sida joogtadaha u isticmaala, waxa aan kugula talinayaa in aad iska joojisid isticmaalkiisa maadaama ay tahay dhibaato noloshaada aad kuburburinayso.
Hadii aad kamid ahayd isticmaalayaashii hore ee xiligii uu soo bilawday soo bilaabay isticmaalkiisa kula tali asxaabta bilowga uu uyahay sidii ay isaga joojin lahaayeen waxa aad kahelaysaa ajar, maadaama aad kaleexisay waddo khaldan oo uu isticmaaluhu noloshiisa kuhaligi lahaa.
Anniga ahaan ma isticmaalin nolosheyda maandooriyahaan, balse waxa aan usoo jooggay isticmaalayaal isticmaalaya, waxaana ka qiirooday kharashka ay bixinayaan caddadka uu la egyahay iyo dhibaatada ay Ku iibsanayaan! Oo ah KAAF IYO KALA DHEERRI.
Isticmaalka taabuuggu waa xaaraam mana banaana, maadaama uu maanka doorinayo ayna usii dheertahay burburinta noloshaada oo idil.
Hadaan lahelin sharci adag oo lagu mamnuuco isticmaalka taabuuga ma sii fidi karaa isticmaalkiisu?
Isticmaalka taambuuga oo kusocda xawaare dheereya ayaa hadii aan loo helin sharci xakameeya isticmaalkiisa waxa uu gaari karaa goobaha kabaxsan magaalooyinka waaweyn ilaa uu kagaaro baadiyaha gobolada dalka waana mid aan ufiicneyn mustaqbalka ubadka soo koraya. Waxa uuna haligayaa mustqabalka ubadka somaliyeed.
Waxaana dowlada kuwaajib ah in ay guud ahaanba dalka kamamnuucdo isticmaalka iyo usoo iibgeynya dalka maandoriyahaan.
Dabagal iyo baarisna Ku sameysaa goobbaha uu dalka kasoo gallo, si loogga foojignaado in uu si sahlan suuqyada usoo gaadho.
Kaalinta kaga aadan Waalidiinta, barayaasha, culimada iyo aqoonyahanada caafimaadka kahortaga isticmaalka taabuuga?
Waalidiintu waa warshadaha soo saara ubadka waana barbaariyayaasha jiilka sidoo kale Barayaashu waa soo saarayaasha ubad udhameystiran akhlaaq iyo aqoon waxaana muhiim ah in waalidku iyo baruhu ka warhayaan ubadka ay waxbarayaan iyo kuwa ay dhaleen.
Sidoo kale culimada waxaa iyana masuuliyad kasaarantahay kawacdinta ubadka muqaadaraadka ama maandooriyayaasha iyo kuwaaninta wanaaga, kafogaanshaha xumaanta iyo isfarida khayrka.
Dhaqaatiirta, waalidiinta, barayaasha iyo culimada oo iskaashata ayaa waxa ay ka gun gaari karaan kana hortagi karaan isticmaalka maandooriyahaan loo yaqaan taambuuga. Kuna socda xawaale ama xowli dheereeya, iyada oo maalin walba baranayaan isticmaalkiisa dhalinyaro soomaaliyeed ee aan horay u isticmaali jirrin.
Gunnaanad:
Waad kumahadsantahay aqrinta qormadaan kusaabsan maandooriyayaasha si gaar ahna taabuugga, waxaanse rajeynayaa in waxbadan aad kafaaiiday. Ha igu necbaan hadii aan waxbadan ka reebay ama ka maqanyihiin qormadaan.
Hadii uu kusoo gaarro lawaadaag asxaabtaada si ay iyaguna macluumaad uga helaan taabuugga iyo maandooriyayaasha kale ee kor kuxusan.
Hadaba waxa aan kaa raalli-galinayaa wixi qaladaad ah oo aad kula kulantay qormadaan dhexdeeda inti aad wadday aqarinteeda, si aan usaxo khaladaadka ha kacaajisin in aad iigu soo dirtid gmail-ka qaybta hoose ku xusan.
Qalinkii: Abdi Hakim Shiekh Abdullah Jama.
Digtorka@gmail.com
Comments
Post a Comment