Gacma dhaqashada iyo xiliyada ay muhiimka tahay, inaad dhaqdid.
Waxa xirfadlayaasha caafimaadku, kugula talinayaan inaad dhaqdo gacmahaada si aad isaga ilaaliso fayruska Coronavirus, hadaba xiligee ayaa muhiim ah in aad dhaqdo ama meyrto gacmahaada?
Waxa aad gacmahaada, dhaqaysaa xiliyadaan muuhiimka ah kala duwana sida:
1. Marka aad qufacdo ama aad hindhisto.
Dadka qaar waxa ay sameeyaan in ay ku hindhisaan gacmahooda ama ku qufacaan iyaga oo ku daboolaya afka iyo sanka. Marka aad sidaa sameysid dhaq gacmahaada hana ku hindhisin mardambe oo adeegso tiish ama maro nadiif ah, kadiba ku rid weelka loogu talagalay qashinka. Dadka qaarkii iyaga oo ku hindhisay ama ku qufacay gacmahooda ayaa ay salaamayaan qof kale, waana qalad taas hana sameyn.
2. Marka aad la macaamishin qof xanuunsan, dhaq gacmahaada gashnow ama ha gashnaani gloves ama agab kale oo aad isleedahay waxa uu kuu noqon karaa gaashaan. Hadii aadan dhaqin markaan gacmahaada waxa aad khatar ugeysaneysaa naftaada iyo tan dadka kalena. Sidoo kale hadii aad adigu xanuunsantahay waa muhiim in aad gacmahaada dhaqdid, nadaafada shaqsiga ahna muhiimad siiso.
3. Dhaq gacmahaada marka ay muuqaal ahaan noqdaan kuwo wasaqeysan. Gacmahaada oo muuqaal ahaan isbadala, ama aad ka dareento wasaq islamarkaana aad dhaqi weyso waxa ay kuu keeneysaa dhibaato caafimaad, waana muhiim in aad nadiifiso waliba adeegsato jeermisdayaal ama wixii aad kunadiifin karto isla markaana aad heysatid.
4. Kahor iyo kadib suuliga ama musqusha, gacmahaada mayr oo kadhig kuwo nadiif ah. Waxa aan nahnay ummad muslim ah, nadaafatuna waa qayb kamid ah iimaanka, waan ogsoonahay in aan noqono kuwo daahirsan, nadiif ah, nadaafadooduna sareyso. Marki lagu leeyahay iskadhaq gacmaha waa dhiirigelin kugu sii dhiirigelineysa nadaafa oo aan aaminsanahay, in iimaanka nuskiis tahay.
5. Kahor inta aadan cunin, cunada dhaq gacmahaada oo nadiifi. Fariimahaan waa kuwo aan waxbadan ka dheragsanahay hadana, waa xoojin maadaama lagu jiro xaalad adag oo muhiim ay tahay, in la muujiyo taxadar dheeri ah.
6. Kahor, inta aad kuguda jirto iyo kadib diyaarinta cuntada, dhaq gacmahaada oo nadiifi, sidoo kalana cunta laftirkeeda iska nadiifi iskana karkari. Isdaryeel oo weelasha aad wax ku qabsaneysana nadiifso oo kadhig kuwo nadiif ah.
7. Nadiifi gacmahaada markaad ku taabato ama aad ku qaado, xayawaanada ama saxarada xayawaanada.
Gacma dhaqashadu, waxa ay kamid tahay waxyaabaha ugu fudud oo aad sameyn karto, si naftaada aad uga ilaaliso jeermisyada. Gacmahaada waa in aad ku dhaqdid saabuun iyo biyo. Waxa kale oo aad ku dhaqi kartaa jeermisdilayaal si aad udishid fayrusyada iyo wasakhda ku dul noolaan karaba. Weysada maalinkasta aad waseysaneyso, waxa ay kaayeeleysaa in aad nadiifsanaato. Xikmad weyn ayaa ka dambeysa kahor inta aan xubnaha kale ee jirka la dhaqin in la dhaqo gacmaha, xiliga weysada.
Cabdixakiim Sh Cabdullaahi.
Comments
Post a Comment