MONKEYPOX waa cadur uu keeno fayrus ilma aragtay ah, kana mid ah isirka ama kooxda fayrusyada ee Orthopoxvirus genus, kana tirsan qoyska Poxviridae. Cudurkani waxa sababa fayruska Monkeypox Virus. Waxa uuna leeyahay astaamo ama calaamado lamid ah xanuunkii furuqa oo dunida laga ciribtiray 1980-kii.
FURUQA DAANYEERADA (MONKEYPOX), waxa markii ugu horeeysay ee uu u gudbo aadanaha(dadka) kiis ah la daahqaaday sanadkii 1970kii iyada oo halkii lagu arkay ay aheyd waddanka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo, oo dhaca bartamaha qaaradani Afrika. Waxa jirtay wadamo kale oo dhaca bartamaha iyo galbeedka qaaradda oo lagu arkay dad uu soo ritay cudurku waxana ay dadkasi ku sugnaayeen wadamadda Cameroon, Cote d’Ivoire, Congo, Gabon, Liberia, Nigeria iyo Sierra Leone.
Waxa sidoo kale jirtay wadamaddo ka baxsan qaarada afrika oo lagu arkay cudurka, waxana la xiriirinayay dad usafray sidaasina uu ku gaaray wadamadaasi cudurku. Wadamadasi waxa kamid ahaa Mareykanka, ingiriiska iyo Singapore.
CALAAMADDA CUDURKA "FURUQA DAANYEERADDA":
Cudurka
FURUQA DAANYEERADA(MONKEYPOX), waxa uu caalamada ahaan la mid yahay xanuunka Furuqa inkasta oo uu kasahlanyahay hadana waxa uu kubilowdaa cudurkani qandho, madax xanuun, murqa xanuun iyo wahsi ama daal oo uu dareemo qofku. Farqiga u dhaxeeya furuqa iyo cudurkani loogu magac daray "Furuqa Daanyeerada" ayaa ah in furuqani daanyeerada uu sababayo barar ku yimaada limfayaasha jirka(lymphadenopathy), halka uusan Furuqu"SmallPox" uusan sababeynin bararkani qanjirada Lymphayaasha.

Xili huuriska cudurkani waxa uu udhaxeeyaa 7 ilaa 14 maalin, waxase uu gaaraa ilaa 21 maalin. Waxa uu kubilaawmaa cudurkani qandho, murqa xanuun, madax xanuun, daal, qanjirada lymphaha oo barara iyo daal.
3 maalin kadib calamaadahaa, bukaanka waxa ku bilowda nabaro kasoo bilowda wajiga kuna faafa qaybaha kale ee jirka. Nabarada waxa ay noqdan kuwo biyo iyo malax ay kujiraan. Saameynta xanuunkani waxa ay sii jirtaa 2 ilaa 4 asbuuc. Qaaradani Afrika Furuqani Daanyeerka(MonkeyPox) waxa la ogaaday in 10kii qofkasta ee uu saaameyaba qof u geerinonayay sida ay qortay CDC-da Mareykanku.
HABKA UU KU FIDO CUDURKANI MONKEYPOX:
Habka fiditaanka cudurkani ayaa ah mid uu isaga kala gudbo xayawanka iyo aadanaha(Zoonotic). Waxa uuna si toos ah ugu gudbi karaa dheecaanka, dhiiga, kaadida iyo darerayasha kale ee kaa soo gara xayawanada uu haleelo cudurkani.
Waxa uu sidoo kale ukala gudbi karaa QOF ka QOF, isaga oo ay sahleyso fidistiisu taabashada qofka la xanuunsanaya, dheecanada bukanka oo kuso gara, dhibcaha hawa mareenka kaso baxa iyo waxyabaha kale ee wasaqeysan ama uu garay darerayasha bukaanku sida kuwa jiifka iwm. Faafista ama isugudubku waxa uu ka dhexdhici karaa hooyada iyo dhalaankeeda isaga oo sii maraya balaasentaha(Placenta) waxa uuna horseedayaa Congenital monkeypox ama inta lagu guda jiro shaqada dhalinta ee hooyadda. Waxa uu sidoo kale ku kala gudbi karaa istaabasha jireed ama isugalmoodka inkasta oo aynaan jirin cadeymo dhab ah oo si fiican u qeexaya, isgu gudbinta cudurkani.
HABKA BAARIISTA AMA GARASHADA CUDURKA:
Baaritaanku waxa uu ubahanyahay, in calaamadaha bukaanka lagu arko ee ah nabraha kasoo baxaya qofka xanuunsan laga gooniyeeyo calaamadaha kale ee ay wadaagaan xanuunada ay kamidka yihiin Busbuska, Jadeecada, Infekshinka maqaarka ee bakteeriyada, isnadaamiska, waraabowga iyo xasaasiyada ay kiciso ama horseedo dawadu taas oo horseeda nabro kasoo baxa maqaarka.
Haddii uu jiro, Shaki laga qabo in uu jiro FURUQDAANYEEREED(MONKEYPOX) shaqaalaha caafimaadku waxa ay qaadayaan muunado(Samples) baaritaan oo ay u dirayaan Sheybaarka. Mashiinka ugu wanaagsan ee natiijada saxnaanshiyaha iyo sensitivity-ga waa Polymerase chain reaction (PCR).
KAHORTAGA IYO TALAALKA:
Kahortaga xanuunkani waxa muhiim u ah, waxyabo badan oo ay kamid yihiin ka dheeraanshiyaha xayawanada uu haleelo cudurkani, ka foganshaha sheyada uu gaaro dhenacada bukanada ama xayawanada la xanunsan cudurkani, in la karantiilo bukanada la xanuunsan cudurkani ama laga dheereeyo dadka halista ugu jira ee tabankara bukaanka, nadaafada oo lagu dadaalo marka aad taabato xayawan ama qof la xanuunsan cudurka iyo ugu dambeyn in ay xirtan shaqalaha caafimaadku dharka ka difaacaya in uu soo gaaro dhecanada bukanada ay daryeelayaan (Personal protective equipment - PPE).
Dhinaca talaalka ma jiro talaal saxan oo u gaar ah fayruska oo dunidu adeegsato, waxase la aaminsanyahay in talaalkii furuqa ee dunida soomaray la adeegsan karo, iyada oo 85% uu difaaci karo fayruskani madama ay xanunkii furuqa isu dhawansho lahaayen dhinacyada astaamaha labada cudur.
XOGTA FAAFISTA CUDURKANI EE DUNIDA:
Dunida waxa uu ku faafay wadamo kala duwan waxana jira 80kiis oo ilaa 12 waddan laga diwangaliyay. Hayadaha cafimadka addunka ayaa sheegtay kiisas gaaraya 50kiis oo kale iyada oo aynan la carabaabin wadamada kiisaskani. Waxase ay ka digeysaa kiiisas kale oo hor leh kuna saabsan cudurkani FURUQA DAANYEERADA.
MAXAA INALA GUDBOON:
Waxa jira xanuuno kala duwan oo halis ku ah bulshooyinka dunida, dalkena oo hanaanka caafimadkisu hooseyo waxa qofkasta la gudboon in bulshada uu la wadaago xogta xanuunada ay ka digayaan hayadaha caafimaadka iyo dowladuhuba si baaruruga buslahada ee dhinaca caafimaadku u kordho. Waxa sidoo kale muhim ah in bulshada lagaarsiyo farimaha iyo hababka ay uga taxadari karaan xanuunada. Sidoo kale waxa aan mesha kamarneen in lagu booriyo qofkii isku arka calaamadaha la shaaciyay in uu booqdo xarumaha caafimaadka si uu uhelo baaritaan iyo daweyn isla markaana loo yareeyo halista faafista xaanunada ee bulshada dhexdeeda.
Waxa aan rajeynayaa in maqalkani kooban kadib, aad ka qayb qadan doonto sare uqadista wacyiga cafimaad ee bulshadeena iyo sidii ay ku badqabi lahaayeen. Doorkada ayay bulshadu ubahanyahay akhriste baahi oo gaarsii fariimaha wanagsan ee khuseeya caafimaadkooda bulshadeena. Waad mahadsantahay.
W/Q: Cabdixakiim Sh Cabdullaahi
Thank Dr.
ReplyDelete