RAMADAANKA IYO FAA’IIDOYINKIISA CAAFIMAAD

Image
WAA MAXAAY RAMADAAN?  Ramadaan waa bil kamid ah, bilaha hijriyadda waana bisha 9aad ee tirsiga bilaha hijriga. Ramadaan waa bil ay soomaan muslimiinta dunidu, waxa ayna leedahay faa’iidooyin kala duwan iyadda oo leh fadli iyo barako ay dhertahay bilaha kale ee hijriyadda. Waa bil ilaah addoomadiisa ugu dambi dhaafo, isla markaana aqbalo baryadda iyo cibaadaadka ay lagaarka tahay bishani ramadaan. Bisha ramadaan waa bisha ay ku jirto habeen ka barako badan 83 sanno, muslimiinta duniduna rabbi kabaryaan in habeenkaasi fadliga badan eebbe haleeshiiyo isla markaana aqbalo baryaddooda, sidoo kalena ugu dambi dhaafo kana yeelo kuwo lagu daro liiska kuwa laga xoreeyo naarta.  Ramadaan waa bil tirisiga maalmaheedu noqdaan 29 ama 30 maalimood. Ramadaan waa bisha Quraanka eebbe soo dajiyay, wana bisha Quraanka soo dajintiisu soo dhameystirantay. Ramadaan waa bil maalinkii oo idil ay Soomaan Muslimiintu ayna sidoo kale ka dheeraadan cunista, cabista iyo waxyaabaha kale ee wax u dhimaya s...

KANSARKA AFKA MINKA IYO TALAALKA INDIA

Bilooyin ka hor waxa ay baahisay wakaaladda wararka ee Reuters, warbixin kooban oo ku saabsan Serum Institute of India(SII), oo ah soo saaraha ugu weyn dunida ee talaaladda. Waxa shirkadani ay sidoo kale kaalinta koowaad ugashay shirkadaha waxsoosaarka talaaladda ee gudaha India. Xarunta shirikaddu waa Pune, Maharashtra, India. Waxa hoggaamiya shirkadani Adar Poonawalla, oo ah CEO-ga shirikadda.

Shirikadani waxa ay noqtay tii ugu horeysay ee soo saarta talaalka kansarka Afka minka(Cervical Cancer Vaccine) ee gudaha India. Talaalkani ayaa ah mid aad qiimihiisu u hooseeyo isla markaana ay awooddaan in ay ka faaideysaan bulshada dalkaasi. Waxa ay shirikadu sidoo kale talaalka u iibgeyn doontaa dalalka dunida si loo yareeyo halista kansarka Afka minka ee haweenka.

Kansarka Afka minka (Cervical Cancer), ayaa ah kansarka 4 aad ee ugu badan ee kudhaca haweenka dunidda waxa uuna sidoo kale yahay kansarka 7aad ee ugu badan guud ahaan dunidda. Sanadkii 2020 qiyaastii 600, 000 oo kiisas cusub ah ayaa la diiwangeliyay iyo 342, 000 kiisas dhimasho ah sida laga soo xigtay Hayadda Caafimaadka Adduunka(WHO).

Soomaaliya, warbixin lagu daabacay HPV information Center ayaa lagu sheegay in ay jiraan 4.19 milyan oo haween da'da 15 jir ay halis ugu jiraan kansarka Afka minka(Cervical Cancer). Warbixinta waxa lagu xusay in sanad waliba qiyaastii 1055 haween ah laga helo kansarkani, sidoo kalena ay u geeriyoodaan 812 qof xanuunkani.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu xusan in kansarka minku yahay kan labaad ee ugu badan haweenka Soomaaliya, sidoo kalena yahay isla kan labaad ee lagu arko haweenka da'doodu u dhaxeyso 15 ilaa 44 sanno jir. Cilmibaarisyo guud oo ku saabsan guud ahaan kansaradda gaar ahaanse kansarka Afka minka ee dalka ayaan jirin marka laga soo tago qiyaaso kooban oo ay sameeyan hayadaha iyo xarumaha caafimaadka.

Laba nooc oo fayruska human papillomavirus(HPV) ayaa sababta ugu yaraan 70% kansarka minka. Labadaasi nooc ayaa kala ah Nooc 16 iyo Nooc 18. Waaxda Biotechnology-ga India ayaa sheegtay in talaalkani uu wax ka qabanayo Noocyadda 16 iyo 18. Sidoo kalena uu wax katarayo noocyadda 6 iyo 11.

Merck & Co (MRK.N) iyo GSK Plc (GSK.L), ayaa ah shirikadaha ugu waa weyn ee soo saara talaalka HPV. Shirikadani Serum Institute India(SII) ayaa iyaduna waxsoosaarkeeda dunida u iibgeyndoonta.

Qiimaha waxsoo saarka talaalkani ee Shirikada (SII) ayaa udhaxeyn doona ($2.5 ilaa $5.03) halkii dose. Nooca talaalku waa cirbad laba dose ay ka qaadanayaan dadka da'doodu udhaxeyso 9-14 sanno. Sidoo kale saddex dose ayaa laga siin doonaa dadka da'doodu udhaxeyso 15-26 sanno.


24 Jan, 2023 oo ku beegneyd Maalinta Caruurta Gabdhaha ah ee India, sidoo kalena aheyd bisha Wacyigelinta kansarka Afka minka ayaa la daahfuray talaalka Shirikada Serum Institute of India(SII) oo ah, talaalkii ugu horeeyay ee HPV Shirikad gudaha India soo saarto.

Soomaaliya, waxa aad u hooseeya wacyiga kansaradda ee bulshada iyo isbaaristooda. Waxa aan xog saxan laga heynin xaaladda karsaradda ee dalka oo muddooyinkii u dambeeyay dhaqaatiirtu la kulmayeen kiisas kala duwan oo kansaradda ah. Waxa ay u baahantahay si sare loogu qaado wacyiga bulshada ee kansaradda iyo dhamaan xanuunadda kale mudan in bulshada laga wacyigeliyo halistooda, iskaashi iyo wadashaqeyn hayadaha caafimaadka, wasaaraddaha caafimaadka(heer gobol & Fedraal), dhaqaatirta, ururadda ardayda caafimaadka iyo ururadda bulshada si sare loogu qaado wacyiga bulshadda loona helo baaris iyo xogo sugan oo kansarka iyadda oo sidoo kalena hoos loo dhigayo halista.

W/Q: Abdihakim Sheikh Abdullahi


Comments

Popular posts from this blog

MUQDISHO: WADNE SHAQADII GEBAY OO HOWL-GELIN UBAAHAN

RAMADAANKA IYO FAA’IIDOYINKIISA CAAFIMAAD