Posts

Showing posts from December, 2018

RAMADAANKA IYO FAA’IIDOYINKIISA CAAFIMAAD

Image
WAA MAXAAY RAMADAAN?  Ramadaan waa bil kamid ah, bilaha hijriyadda waana bisha 9aad ee tirsiga bilaha hijriga. Ramadaan waa bil ay soomaan muslimiinta dunidu, waxa ayna leedahay faa’iidooyin kala duwan iyadda oo leh fadli iyo barako ay dhertahay bilaha kale ee hijriyadda. Waa bil ilaah addoomadiisa ugu dambi dhaafo, isla markaana aqbalo baryadda iyo cibaadaadka ay lagaarka tahay bishani ramadaan. Bisha ramadaan waa bisha ay ku jirto habeen ka barako badan 83 sanno, muslimiinta duniduna rabbi kabaryaan in habeenkaasi fadliga badan eebbe haleeshiiyo isla markaana aqbalo baryaddooda, sidoo kalena ugu dambi dhaafo kana yeelo kuwo lagu daro liiska kuwa laga xoreeyo naarta.  Ramadaan waa bil tirisiga maalmaheedu noqdaan 29 ama 30 maalimood. Ramadaan waa bisha Quraanka eebbe soo dajiyay, wana bisha Quraanka soo dajintiisu soo dhameystirantay. Ramadaan waa bil maalinkii oo idil ay Soomaan Muslimiintu ayna sidoo kale ka dheeraadan cunista, cabista iyo waxyaabaha kale ee wax u dhimaya s...

Tufaaxa iyo Faaidoyinka Caafimaad Ee uu leeyahay.

Image
Tufaaxa iyo Faaidoyinka Caafimaad:  Tufaaxu Waxa uu ka mid yahay Khudradaha Ama Miraha Muhiimka u ah Caafimaadka Jirka Bini-aadamka. Qaab ahaan Tufaaxa ayaa ah Mid Wareegsan lehna Midabada Casaanka(Guduud), Jaallaha iyo Cagaarka. Tufaax a oo muhiim u ah Caafimadka jirka Ayaa Waxa uu Kakoobanyahay Carbohydrates, fats, Water, Vitamin B1, B2,B3,B5, B6, vitamin C, E, K, proteins iyo Minerals ay kamid yihiin Calcium, Iron, Potassium, Sodium, phosphorus, manganese IWM. Faaidoyinka Caafimaad Ee Tufaaxa:  Tufaaxa ayaa Waxa kamid ah Faaidoyinkisa Waxyaabahaan Soo Socda: 1. Waxa uu Yareeyaa Cholesterol-ka loo yaqaan (Bad Cholesterol) Iyo Sare ukaca Cadaadiska Dhiiga (High Blood Pressure). 2. Waxa uu yareeyaa Khatarta Cudurka Macaanka(Diabetics). 3. Waxa uu Difaac uyahay Wadnaha Kana Hortagaa Cudurada Wadnaha. 4. Waxa uu yareyaa Khatarta Cudurka Neefta (Asthma) 5. Waxa uu Kahortag uyahay Cancer-ada Nasaha,Sambabka,Beerk iyo Mindhicirada 6. Waxa uu uwanagsan yahay Lafaha I...

Qormo Kusaabsan: (-Dhibaatooyinka Haysta Bulshada Danyarta Ah Ee Somaalida-)

Image
Kadib Burburkii Dowladii Dhexe Ee Soomaaliya Sanadii 1991-kii Ayaa Waxa Uu Dalku Galay Xaalad Kaduwan Xaaladii Hore Ee Dalku Ku Jiray Waxaana Guud Ahaanba Dalka Ka Qarxay Dagaallo Sokeeye Kuwaas Oo Sabab Unoqday Barakaca Bulshooyinkii Kunoolaa Magaalooyinka Waa Weyn Ee Dalka Kuwaas Oo Badankood Uqaxeen Banaanka/Dibada Dalka Halka Kuwa Kalana Ay Ku Barakaceen Isla Gudaha Dalka. Dagaaaladii Sokeeye Ee Dalka Ka Qarxay Ayaa Sidoo Kale Sababay Qasaaro Nafeed iyo Mid Hantiyadeedba. Hadaba Intii Lagu Guda Jiray Dagaaladaas Ayaa Waxa Sidoo Kale Burbur Kudhacay Xarumihii Waxbarashada Dalka Kuwaas Oo Noqday Badankood Kuwa Aan Shaqeyn. Xarumihii Waxbarashada Dalka Oo Aan Shaqeyn Ayaa Waxa Ay Sabab Unoqotay In Ay Korarto Ama Badato Tirada Ubadka Soomliyeed Ee Aan Waxbarashada Aadin Kuwaas Oo Ay Ku Kaliftay Duruufo Dhaqaaale Darteed. Hadaba Dib Usoo Noolaanshaha Rajada Nabada Iyo Horumarka Dalka Ayaa Waxa Ay Hormuud Unoqoneysa In Ubadka Soomaaliyeed Ee Hada Soo Baxaya Helaan Hanaan Waxbarsheed ...

Popular posts from this blog

MUQDISHO: WADNE SHAQADII GEBAY OO HOWL-GELIN UBAAHAN

RAMADAANKA IYO FAA’IIDOYINKIISA CAAFIMAAD