Kadib Burburkii Dowladii Dhexe Ee Soomaaliya Sanadii 1991-kii Ayaa Waxa Uu Dalku Galay Xaalad Kaduwan Xaaladii Hore Ee Dalku Ku Jiray Waxaana Guud Ahaanba Dalka Ka Qarxay Dagaallo Sokeeye Kuwaas Oo Sabab Unoqday Barakaca Bulshooyinkii Kunoolaa Magaalooyinka Waa Weyn Ee Dalka Kuwaas Oo Badankood Uqaxeen Banaanka/Dibada Dalka Halka Kuwa Kalana Ay Ku Barakaceen Isla Gudaha Dalka.
Dagaaaladii Sokeeye Ee Dalka Ka Qarxay Ayaa Sidoo Kale Sababay Qasaaro Nafeed iyo Mid Hantiyadeedba. Hadaba Intii Lagu Guda Jiray Dagaaladaas Ayaa Waxa Sidoo Kale Burbur Kudhacay Xarumihii Waxbarashada Dalka Kuwaas Oo Noqday Badankood Kuwa Aan Shaqeyn.
Xarumihii Waxbarashada Dalka Oo Aan Shaqeyn Ayaa Waxa Ay Sabab Unoqotay In Ay Korarto Ama Badato Tirada Ubadka Soomliyeed Ee Aan Waxbarashada Aadin Kuwaas Oo Ay Ku Kaliftay Duruufo Dhaqaaale Darteed. Hadaba Dib Usoo Noolaanshaha Rajada Nabada Iyo Horumarka Dalka Ayaa Waxa Ay Hormuud Unoqoneysa In Ubadka Soomaaliyeed Ee Hada Soo Baxaya Helaan Hanaan Waxbarsheed Tayadiisu Sareyso.
Marki La Eego Bulshada Danyarta Ah Ee Aan Awoodin In Ay Ubadkooda Ka baxshaan Qarashaadka Waxbarashada Ayaa Badankooda Udira Caruurta In Ay Shaqeeyaan Kana Shaqeeyaan Baalashka/Caseeyanimada Iyo Waxyaabaha Lamidka Ah. Waxa Ayna Taasi Sabab Unoqotay In Caruurtu Ay Nacaan ama Diidaan Waxbarshada Hadii Xitaa Loo Helo Goob Waxbarsheed Aan Qarash Laga Rabin. Waxa Aad Arkeysa Caruur Yaryar Oo Kasoo Dhuumatay Dugsiyadii Waxbarashada Quraanka Marka Aad Weydiiso Sababta Ayaa Waxa Ay Qaarkood Kuu Sheegayaan In Ay Jecelyihiin In Caseeyinimada Kashaqeeyaan Halka Kuwo Kalana Ay Kuu Sheegayaan In Waalidiintoda Ay Kusoo Qasbeen Shaqadaan Ayada Oo Xiligii Lagaaro Habeenkii Laga Xisaabinayo Lacagti Uu Maalinkaas Soo Shaqeeyo.
Hadaba Dadka Danyarta Ah Ee Aan U Awoodin In Caruurtooda Ay Kabaxshaan Qarashaadka Waxbarashada Ayaa Ah Kuwo Halgan Uqu Jira Hagaajinta Nolosha Qoyskooda Taas Oo Aan Dheeli Tirneen. Waxa ayna Ubaahanyihiin Garab Istaag Ay Ka Helaaan Walaalahood Soomaaliyeed.
Waxaa Jira Caruur aan Helin Waxbarasho Bilaash Ah Si Ay Ula Jaanqaadaan Caruurta Kale Ee Lamidka Ah Kuwaas Oo Ukalaha Ama Aada Goobaha Waxbarashada. Sidaasi Darteed Ayaa Waxa Aqristow Kusaaran Masuuliyad Gaar Ah Taas Oo Ah In Aad Waxbarto Ubadka aan Fursada Uhelin In Ay Waxbartaan. Ama Aad Siiso Dhiirigelin Quseysa Ayaga Tusisana In Waxbarashadu Tahay Wanaag iyo Qurux Si Ay Uhelaan ama Uu Ugalo Dareen Dhiirigelin Leh Kaas Oo Kudhaliya In Ay Waxbartaan Aakhirkoda Si Ay Uhaajiyaan Mustaqbalkooda Una Dhisaan Nolol Leh Kalsooni Iyo Karti Ay Iyaguna Ku Saacidaan Jiilka Kadambeya Ee Kayaryar Insha Allah.
Mashalh ..... bro waqtiga aad galisay qormadaan faaidada leh.
ReplyDeleteShukran walal.
ReplyDelete