Posts

Showing posts from June, 2019

RAMADAANKA IYO FAA’IIDOYINKIISA CAAFIMAAD

Image
WAA MAXAAY RAMADAAN?  Ramadaan waa bil kamid ah, bilaha hijriyadda waana bisha 9aad ee tirsiga bilaha hijriga. Ramadaan waa bil ay soomaan muslimiinta dunidu, waxa ayna leedahay faa’iidooyin kala duwan iyadda oo leh fadli iyo barako ay dhertahay bilaha kale ee hijriyadda. Waa bil ilaah addoomadiisa ugu dambi dhaafo, isla markaana aqbalo baryadda iyo cibaadaadka ay lagaarka tahay bishani ramadaan. Bisha ramadaan waa bisha ay ku jirto habeen ka barako badan 83 sanno, muslimiinta duniduna rabbi kabaryaan in habeenkaasi fadliga badan eebbe haleeshiiyo isla markaana aqbalo baryaddooda, sidoo kalena ugu dambi dhaafo kana yeelo kuwo lagu daro liiska kuwa laga xoreeyo naarta.  Ramadaan waa bil tirisiga maalmaheedu noqdaan 29 ama 30 maalimood. Ramadaan waa bisha Quraanka eebbe soo dajiyay, wana bisha Quraanka soo dajintiisu soo dhameystirantay. Ramadaan waa bil maalinkii oo idil ay Soomaan Muslimiintu ayna sidoo kale ka dheeraadan cunista, cabista iyo waxyaabaha kale ee wax u dhimaya s...
Image
BAAHISTA XANUUNKA EBOLA:  Ebola Virus Disease, waa cudur kamid cudurada khatarta ah, cudurkani ayaa ah mid dhimashadiisu ay badantahay, waxa uuna saameyaa noolaha sida aadanaha iyo xayaawano kale oo ay kamid yihiin monkeys, gorillas, iyo chimpanzees. Cudurkani waxa sababa koox virus-yo ah, waxana kamid ah virus-yada Ebola, Sudan, Taï Forest, Bundibugyo, Reston iyo Bombali virus. Hadaba virus-yada Ebola, Sudan, Taï Forest, and Bundibugyo ayaa la ogyahay in ay xanuunkaan kusababaan aadanaha. Halka virus-ka loo yaqan Reston virus uu kusababo xanuunka Ebola, xayawaanada ay kamidyihiin Daanyeerada iyo Doofaarada. Virus-ka Ebola virus waxa shaaca laga qaaday markiisii ugu horeysay sanadii 1976-kii, iyada oo lagu arkay meel udhaw wabiga Ebola ee dalka Jahmuuriyada Dimuqraadiga ee Congo. Xanuunkani Ebola, ayaa waxa uu kufidaa si dadban ama si toos ah iyo si aan toos ahayn. Sida aan toosla ahayn ee xanuunkani kufaafo waxa kamid ah Dheecaanada oo isgaara, waxa uu si toos ah ugu faafa...

Popular posts from this blog

MUQDISHO: WADNE SHAQADII GEBAY OO HOWL-GELIN UBAAHAN

RAMADAANKA IYO FAA’IIDOYINKIISA CAAFIMAAD