RAMADAANKA IYO FAA’IIDOYINKIISA CAAFIMAAD

Image
WAA MAXAAY RAMADAAN?  Ramadaan waa bil kamid ah, bilaha hijriyadda waana bisha 9aad ee tirsiga bilaha hijriga. Ramadaan waa bil ay soomaan muslimiinta dunidu, waxa ayna leedahay faa’iidooyin kala duwan iyadda oo leh fadli iyo barako ay dhertahay bilaha kale ee hijriyadda. Waa bil ilaah addoomadiisa ugu dambi dhaafo, isla markaana aqbalo baryadda iyo cibaadaadka ay lagaarka tahay bishani ramadaan. Bisha ramadaan waa bisha ay ku jirto habeen ka barako badan 83 sanno, muslimiinta duniduna rabbi kabaryaan in habeenkaasi fadliga badan eebbe haleeshiiyo isla markaana aqbalo baryaddooda, sidoo kalena ugu dambi dhaafo kana yeelo kuwo lagu daro liiska kuwa laga xoreeyo naarta.  Ramadaan waa bil tirisiga maalmaheedu noqdaan 29 ama 30 maalimood. Ramadaan waa bisha Quraanka eebbe soo dajiyay, wana bisha Quraanka soo dajintiisu soo dhameystirantay. Ramadaan waa bil maalinkii oo idil ay Soomaan Muslimiintu ayna sidoo kale ka dheeraadan cunista, cabista iyo waxyaabaha kale ee wax u dhimaya s...
“Arday aan jeebkiisu qalin kujirin, Waa askari aan qasnada qoraygiisu rasaas kujirin oo kale” 

~ Cabdixakiim sh Cabdulaahi ~.

Ujjeeddada oraahdaan ayaa ah in dhamaan ardaydu diyaar la ahaadaan agabka ay wax kubaranayaan sida qalimaanta, buuggta iwm.

Waxaa ay xikmadaan ama oraahdaan Ku dhex jira in ardayga aan qalinka wadan uu lamid yahay askari aan qasnada qoraygiisu rasaas kujirin, taas oo Ku tusineysa in askarigu sababta uu qoriga usito tahay udiyaarsanaanta dagaal ama isdifaacid nafsi ah ama difaac bulsho iyo dana qaran, gobal iwm, waana muhiim in askarigu qorigiisa rasas kujirto si uu ugu sayriyo cadawga uu waardiyaha isaga jiro ama uu umada uga jiro.
Sidaa si lamid ah ayaa waxa muhiim ah in ardaygu yahay arday uu u diyaarsanyahay qalankii uu wax kuqori lahaa, si uu ugu qorto casharta, meelaha muhiimka ah, xikmadaha iyo tusaalooyinka mugga iyo miisaanka leh ee kasoo butaacanaya baraha ardayga, indha ergaradka, aqoonyahanka iyo dhamaan asxaabta kale ee cilmiga usaaxiibka ah.

Marki aad dagaal isu diyaarinaysid ama aad galaysid waa in aad heysataa hub aad isku difaacdid sida qori, mindi ama tooreey, ul, baangad, faas iwm sidaa si lamid ah marka aad galaysid dagaal cimliyeed waa inaad wadataa hubkaada oo ah qalinka iyo buugga.
Qalinku waxa uu ka awoodbadanyahay qoriga, waxaana tusaale u ah, dagaaladii soomaray dunidaan oo hishiisyo lawada galay sababeen dagaalo sii socday, waxaa dagaaladii dowladihii looga awood roonaaday lala galay heshiisyo kuwaas oo dhigaya in aynaan 100, 40, 50, 60, 10, sano iwm aynaan hub sameysan karin, shidaal qodan karin, xadidaan waxa ay sameysanayaan iwm.

Qalanku awooda uu leeyahay ma ahan wax la soo koobi karo, waxa uu qalinku ku dhigaa halka aad dhigto ama aad gaarsiiso. Qalinka xikmadihiisa ama oraahyada cajiibka ah ee waxgaradka, xeeldherayaasha, suugaanleyda iyo aqoonyahanka soomaalidu ay ka sameeyeen waxa kamid ah xikmadaan laga hayo abwaanka weyn ee Abwaan Hadraawi, waxa ayna oraneysaa:

Qalinkaa wax suureeya
Kugu sima halkaad doonto
Saaxiib kal furan weeye
Sunto fara ku hayn-tiisa
Waligaa ha sii daynin...
      ~ (Hadraawi) ~

Xikmadaan waa mid igu soo dhacday waqti hore, oo aan aad ufogeyn waana sababta aan ujeclaystay in aan ku dhiirado oo aan idinla wadaago. Si ay unoqoto xikmada taaba gasha.
Balanteenu waa akhriska, qalinka, qoraalka iyo is qadarinta. Aadbaan kaaga mahadcelinayaa akhrinta qoraalkaan.

Mahadsanid. 

Comments

Popular posts from this blog

MUQDISHO: WADNE SHAQADII GEBAY OO HOWL-GELIN UBAAHAN

RAMADAANKA IYO FAA’IIDOYINKIISA CAAFIMAAD