DUGSIGAADA SARE, LA IMOW DADAALKIISA:
Horudhac:
Waxa mahad oo dhan u sugnaatay, ilaah(SW) oo ii suurto galiyay, in aan bilaabo isla markaana aan dhameeyo maqaalkaan cajiibka ah, ee aan uga hadlayo DUGSIGA SARE IYO DADAALKA lagaa rabo in aad galiso, ama sameyso si aad ugu guuleysato halgankaada waxbarasho isla markaana aad gaartid guulo waaweyn oo wax Ku ool ah.
Hadaba akhristow waxa aan maqaalkaan, ugu tala galay adiga qudhaada oo akhrinaya qoraalkaan, waa adiga ardayga ah ee maqaalkaan akhrinaya waa adiga bilaabaya Marxaladaada Waxbarasho ee Dugsiga sare, maqaalkaan waa mid aan isleeyahay waxbadan ayuu kugu soo kordhin karaa, waana mid aan kuugu tala galay.
Waxa aan rajaynayaa in aad waqti siin doontid isla markaana aad si wanaagsan u dhuuxdid macnaha iyo miisanka erayada dardaarnka iyo latalinta ubadan ee dhex ceegaaga maqaalka kuwaas oo aan rajaynayo in ay kuu noqdaan kuwo halgankaada xoojiya, isla markaana kugu dhaliya dareen iyo dadaal dhab ah.
Inta aad ku guda jirto, akhrinta maqaalkaan waxa aan kaa raali galinayaa hadii aad lakulanto khaladaad, dhanka daabicista, xarfo isdaba maray ama erayo macno ahaan isdhalan rogay iwm.
Waxa aan ahay addoon daciif ah, khalad wuu iga dhici karaa laakiinse qofka aan doonayo qaladkaa in uu iga saxo waa adiga eeba weyne kasokow.
Si khaladka aad lakulanto aan usaxo macluumaadka khaladka iyo halka uu kaga jiro maqaalkaan fadlan iigu soo dir, digtorka@gmail.com.
Mahadsanid.
HORUDHAC KUSAABSAN DUGSI SARE:
Dugsiga sare: waa heer waxbarasho oo kamid ah, heerarka waxbarasho ee nidaamiga ah, waxa heerkaan qofki kasoo gudba uu ugudbayaa marxalada tacliinta sare ama mid jaamacadeed.
Qofku waxa uu marxaladaan soo gaari karaa, marka uu soo qaato ama kasoo gudbo waxbarashada Dugsiga hoose iyo dhexe.
Marxalada Dugsiga sare waa mid kaduwan marxaladihii Dugsiga dhexe, waa marxalad lagaa rabo dadaal iyo isdiyaarin xoog leh. Waa marxalad aad dareemayso masuuliyada iyo xilkasnimo waa marxalad qaan gaarnimo waxbarasheed, waa marxalad ay ardaydu lasoo baxaan badanaa dabeecad kaduwan dabeecadii hore ee uu aradygu lahaa.
Marxaladaan waxa ardayahow kusoo wajaheysa caqabado iyo dhibaatoyin kaduwan kuwii hore, kana adag isla markaana ubaahan xal inaad kagaarto.
Hadaba ardayahow haka caajisin aqrinta qoraalkaan yar oo isku day in aad dhameyso, isla markaana aad isweydiiso, waxa karun ah qoraalkaan ee kusoo wajahay ama aad isleedahay waa kusoo wajihi doonaan.
MAADOOYINKA DUGSIGA SARE:
Martabad ama Heer waliba oo waxbarasho, waxa uu leeyahay waxyaabo khaas u ah ama lagu barto muddada marxaladaa lagu guda jiro.
Sida caadada ah, ee dugsiyada waxa arday waliba, marka uu marxaladaan kujiro bartaa ama qaataa wax quseeya, maadada uu Ku haminayo in uu barto, marka uu gaaro marxalada jaamacada ama tacliinta sare.
Hadaba soomaaliya oo ah dal burbur iyo colaado sokeeye kajarinaan kuna jira, wadada nabada iyo dib usoo kabashada ayaa waxa soo hagaagaya, dhismaha hanaanka waxbarasho, si loo helo arday aqoontoodu sareyso, isku kalsoon waxna kusoo kordhin kara bulshada iyo naftiisaba.
Hadaba ardayahow, Dugsigaadaan sare waxa aad Ku qaadan doontaa maadooyin kabadan, ka baaxad balaaran, una baahan dadaal kadheeri ah kii dugsigaadii hose iyo dhexe. Waxa maadooyinka aad qaadan doonto ay isugu jiraan:
1. Maadooyinki Cilmiga (Scientific Subjects):
B). Chemistry: Kimistari waa farac kamid ah faracyada sayniska, waxa uuna darsaa ama lagu bartaa curiyayaasha iyo isku dhisyadooda kakooban: atamyada, molekiyuulada, iyonada(ions), iskudhiskooda, qaabdhidmeedkooda, astaamaha, dabeecadaha iyo isbadalada kudhaca marki ay falgalayaan.
T). Biology: Baay'oloji waa laan ama farac kamid ah faracyada sayniska, waxa uuna darsaa ama lagu bartaa nolosha iyo noolaha, shaqada, qaabdhidmeedka, isdhexgalka molekiyuulada, boroseeska kiimikeed ee noolaha iwm.
J). Physics: Fiisigis waa erey Giriig ah (φύσις) oo macnahiisu yahay Dabeecad, waana cilmiga barashada Maatarka iyo dhaqdhaqaaqiisa ee u dhaxeeyso mudo, sida Ileyska. Kulka, Dhaqdhaqaaqa IWM. waxa kale oo lagu qiixi karaa in ay tahay laan kamid ah sayniska, taas oo la xiriirta barashada maatarka, tamarta iyo astaamahooda.
Kh). Mathematics: Xisaabtu waxa ay ka koobantahay, xarfo, sumado, shaybab(Shapes) iyo tirooyin waxana ka dhaxeeya xiriir. Xisaabta Dugsiga sare waa mid kaduwan xisaabaadkii aad kusoo qaadatay dugsiyada hoose iyo dhexe.
2. Maadooyinka luuqadaha ah (language subjects):
B). Somali language: Af-ka soomaaliga, waa luuqada dalkeena waana luuqada koowaad ee rasmiga ah ee dalkeenu leeyahay. Barashada luuqadaan waxa ay kaa saacideysaa in aad fahamto waxyaabaha la xiriira dhaqankeena, dadnimadeena iyo diinteenaba waana mid muhiim inoo ah, heerwaliba iyo marxalad waliba oo aynu joogno in aan barano.
T). Arabic language: Afka carabiga waa afkeena labaad sida sharciga ah, in kasta oo anigu ahaan aaminsanahay in booskaas uusan hada kujirin. Hadana fahamka afkani waxa uu waxweyn katarayaa fahamka luuqadeena, sababtoo ah erayada badanaa ugu isticmaalka badan afkeena waxa ubadan carabiga oo macna ahaan isleh.
Sidaa darteed fahamka afkani waxa uu inoo sahlayaa ka arday ahaan in aanu fahamno xiriirka labada AF, booska uu inoogu jiro, muhiimada uu inoo leeyahay iyo sahlanaanshaha kutubta diiniga iyo Cilmiga isugu jira ee ku qoran afkaan hodanka ah.
J). English language: Afka ingiriisku waa mid si weyn looga adeegsado dunidaan aynu maantadaan joogno, waa AF ay umadaha aduunyadu afafka ay kuxiriiraan kamid ah. Hadaba barashada iyo fahamka afkani waxa ay inaga caawineysaa fahamka duruusta ama xisaska ku qoran afkani oo dhamaanba laga adeegsado, Dugsiyada dalkeena. Waana sababta aan isleeyahay adeegsiga badan ee afkani waxa uu booska luuqada labadaad ee rasmiga ah kala baxay Afka carabiga oo ahaan jirtay Afka labaad ee bulshadeenu ugu adeegsiga badantahay.
Ogsoonow: in dhamaaba afafkani aan kor kusoo xusay aad ku qaadan doontid dugsigaada sare. Waxa afafkani inta aad baraneyso fahmi doontaa, soda aad horay ugu soo aragtayba qaybo badan oo kamid ah Dhismaha Afwaliba(Grammar), ay luqad waliba leedahay iyo waxyaabaha loo adeegsado.
3. Maadooyinka Tarbiyada islaamka, ganacsiga iyo farqurxinta:
B). Islamic study: waa barashada dhaqanka wanaagsan ee islaamka, waa sixitaanka, hagista, iyo ku dhaqanka shareecada. Maadadani waqtiga aad qaadaneyso waxa aad baran doontaa dhaqanka wanaagsan ee islaamka, waxyaabaha islaanimada buriyo iyo dhamaanba taariikhaha saxaabada, rususha, dagaaladii islaamka iyo gaalada, islaamka iyo tiirarkiisa, khiyaamaha, adduunka, waxyaabaha koonkaan laguu keenay iyo dhamaanba waxwaliba oo muhiim u ah, islaanimadaada, imaankaada iyo dadnimadaad.
T). Business study: maadadaan waa maado ay ardaydu ka helayaan xogo iyo aqoon kororsiyo, kusaabsan ganacsiga, si ardaygu uu uhagaajiyo mustaqbalkiisa dambe ugana dhigo mid wanaagsan, islamarkaana uu naftiisa, tan waalidkiisa iyo ta bulshadiisaba u hormariyo.
J). Farxqurxin: waxa laga yaabaa, in maado ahaan aad u aragto, amaba aadan u arag ay kamid noqoto, duruusta laxiriira Afka soomaaliga. Waxa sidoo kale laga yaabaa in aad horay usoo qaadatay ama aadanba soo qaadanin. Balse taa badalkeeda waxa ay barashada iyo xil iska saarida maadani kaa dhigeysaa mid kaduwan ardayda kale, waxa ayna kuu sahleysaa barashadeeda in aad noqotid arday cashartiisa quruxsada marka uu qorayo iyo in lagu qanco qoraaladaada isla markaana aad heshid tixgalin iyo ixtiraam kaduwan saaxiibadaa aan kuwanaagsaneyn qurxinta farta.
4. Maadooyinka barashada raadraaca taarikhaha iyo Juquraafiga ama Cilmiga Bulshada:
B). Geography: Juquraafigu waa farac kamid ah sayniska waana cilmiga barashada dhulka, dadka iyo xriirirka kala dhaxeeyo deegaanka. Waxa uuna Juquraafigu leeyahay muhiimad gaar ah.
T). History: Taariikhahdu waa barashada iyo raadraaca waxyaabihii hore oo ay aadanuhu la kulmeen ama iyagu qudhoodu sameeyeen. taariikhdu waxa ay noolaha uleedahay muhiimad gaar ah, waxa uuna nooluhu marwaliba isku dayaa in uu katago taariikh nuuc walbaba ha ahaatee. Hadaba ardayahow maadadaan waxa aad kubaran doontaa dhacdooyin kala duwan kuwaas oo ay macalimiintaadu kaga warami doonaan iyo kuwo kuqoran buugga lagaaga dhigaayo. Aniga oo og in taarikhdu tahay muhiim, ayaa waxa aan kugula talinayaa in aad muhiimad gaar ah siisid taarikhda dalkeena iyo dadkeena.
UDIYAARGAROWGA DUGSIGA SARE:
Ma udiyaarsantahay in aad bilowdid dugsi sare, ma qaadatay go'aan ah in aad bilowdid isla markaana aad dhameysato? Hadaba hadii jawaabtaadu tahay "MAYA", fadlan hada qaado go'aankaas oo aamin iskuna diyaari dugsigaada sare.
Waxa laga yaabaa in ay kusoo wajahaan ama kuheystaan caqabado ama duruufo gaar ah, isla markaana sabab unoqonaya ama unoqday go'aan gaaris la'aantaada.
Hadaba ardayahow go'aan gaar oo haka harin asaagaa, iskuday oo bixi dadaal, aamin oo ku kalsoonaw nafsadaada, iskana dhaadhici in aad tahay qofka kaliya ee awooda uleh in uu go'aan qaato, go'aankaasna uu kuguuleysto.
Si aad ubilaawdid dugsigaada sare, isku diyaari oo diyaarso dhamaanba agabka Waxbarasho ee lagaaga baahanyahay Fasalka koowaad ee ugu soo horeeya dugsigaada sare sida: Buuggta layliyada, muqararada, note buugg aad ku qoratid waxyaabaha muhiimka ah, mashiinada adeegsiga xisaabaadka sida Calculator-ska, Qalabka sawirada (Manqalad iwm), qalimaanta wax lagu calaamadeysto (Highlighters), kuwa wax lagu tiro iyo qalimaanta ugu wanaagsan marki wax laqoraayo.
Sidoo kale diyaarso Dareeska ama Uniform-ka iskuulkaada laga xirto, ha ahaado dareeskaadu mid wanaagsan oo leh soo jiidasho. Uniform-ka aad iskuulkaada uqaadaneysid waxa aan kugula talin lahaa in uu kuu ahaado laba joog, hadii aad awoodo si aad isugu badalatid oo aad udareentid isbadal iyo horusocod.
QORSHAHA SANADKA 1-AAD EE DUGSIGAADA SARE:
Waxa aad kasoo gudubtay dugsi dhexe, waxa aad bilaabeysaa Dugsi sare. Hadaba ardayahow dugsigaada sare sanadkiisa koowaad udaji qorsho, hagaaji oo nidaami waqtigaada sanadkada koowaad ee uu bilowga kuuyahay dugsigaada sare, kadibna sanadku markuu dhamaado hadii aad nolol ku gaarto iskuday oo kala saar waxa kuu qabsoomay iyo waxa aan kuu qabsoomin, si sanadba sanadka ka dambeeya uu u wanaagsanaado qorashahadu uguna guuleysatid dugsigada sare.
Qorsha aad u dajineyso dugsigaada sare, sanadkiisa koowaad waa qorshe nuucee ah?,hadaba hadii aan wax katilmaamo qorshahaas waxa uu noqonayaa qorsho dhinacyo badan taabanaayo, waxa aadna u dajineeysaa qodobo adiga oo ku dhagsanaaya gurigaada, bil walibana fiirinayo waxa ka hirgalay qorshahaada.
Qorshaha sanadkaada koowaad udaji siditan ama sida aad adigu jeceshahay in sanadkaas uu kuu noqdo, aad isleedahay waad kuguuleysan kartaa hadii aad sameyso.
1. Soo qaado warqad iyo qalin, kafikir halka aad waxkabilaabeyso.
2. Diyaari qodobo, oo qayb qayb udiyaari, si ay kugu sahlanaato diyaarinta qorshahaada.
Tusaale: Qorshaha Sanadka koowaad ee Dugsigaada sare:
1. Akhrinta iyo dhamaystirka quraanka _____-jeer sanadka 1aad.
2. Ku xirnaashaha guriga alle(Masjidka) iyo ka dhowrsiga macaasida sida: daawashada muuqaalada xunxun, xanta, isku dirka, beenta.
3. Ka fogaanshaha isticmaalka maandooriyayaasha nuuc waliba oo ay ujiraanba.
4. Diyaarinta, dabagalka iyo kudheeraansha baarista maadooyinka ubaahan diyaarin dheeri ah sida: maadooyinka cilmiga, luuqadaha, Juquraafiga iyo taariikhda.
5. Xiriirinta qaraabada, kasbashada macalimiinta iyo la imaansha dadaal dheeri ah.
6. Kaqayb qaadashada arimaha fasalka iyo kuwa iskuulka.
7. Kasbashada iyo samaysiga saaxiibo, dhiiran oo lagu dayan karo lagana kororsan karo cilmi, talo iyo hagis.
8. Ka soo hormuuqashada, kudhiiranaanta hor istaaga iyo kahor hadlista fagaaraha iskuulka xiliyada xafladaha, taabuurada iwm.
9. Iskaashiga iyo sameynta koox aad isku xirantihiin kuwaas oo ay idinka dhaxeso, wax wada akhrin, wax isfahamsiin iyo iskaashi.
Sidaa oo kale iyo si ka wanaagsan udiyaari qorshahaada sanadka 1-aad ee DUGSIGA sare.
Waxa aan aaminsanaha hadii aad qorshe dagsato, isla markaana aad kudadaasho ka dhabeyntiisa in waxbadan aad ka faaidi doontid, isla markaana uu sanadkaas kuu noqonayo mid kaduwan sanadii hore ee kusoo maray.
LA IMOW ISBADAL LATAABAN KARO:
La imaanshaha isbadal dhab ah, waa mid kuu horseedi kara guul kaduwan kana baaxad weyn guulihii hore ee xiligaadii dugsiga hose iyo dhexe.
Hada waxa aad timid fasal cusub, si fasalkaas aad ula qabsatid isku day in aad bixisid dadaal walba oo aad ku adkeeyneyso laqabsigiisa.
Hadaba ardayahow si aad unoqoto mid dugsigiisa gaar ahaanse, fasalkiisa kowaad ee dugsiga sare ugu guuleysta iskuday waxyaabahaan inaad sameyso:
1. Ardayahow iskuulka markaad soo aadeydo, ahaaw mid udiyaarsan. Niyeyso in maanta aad waxbadan kafaaiidi doontid. Sababtoo ah maalin waliba oo cusubi waxa ay kuu tahay fursad aad noloshaada wax uga badali kartid.
2. Ahaaw xili hore imow iskuulka adiga oo nadiif ah, iskuna soo diyaarisay si wanaagsan. Sababtoo ah isdiyaarintani waxa ay kuu sahleysaa in aad hesho dhiiranaan iyo isku kalsonansho.
3. Noqo qofka ugu horeeya ee iskuulka yimaad, qofka ugu horeeya ee xiliga taabuurka fasalkiisa ugu horeeya.
4. Kaqayb qaado barnaamijyada taabuurka kabaxa ee fasalada kale soo jeedinayaan sida su'aalo kajawaabista oo kale, sababtoo ah kaqayb qaadashada nuucani oo kale ah, waa mid kugu sii hageysa hilinkaada toosan isla markaana u gogol xaareysa wadadaada guusha.
5. Ka qayb qaado, barnaamijyada ama howlaha asalkaa sida: hadii uu leeyahay gudi, iskuna day in aad kubiirisid marwaliba talooyin waxtar uleh fasalka iyo iskuulkaba. Sidoo kale iskuday in aad qayb kanoqoto taabuurka ama bandhiga uu fasalkaadu sameynayo, unoqo xiriiriye ama kaqaado kaalinta ugu muhiimsan barnaamijka uguna waxtarsan.
6. Jooji xishoodka, cabsida iyo kabaqista fashilka, kuwaas oo dhamaanba kuu horseedi kara fashil iyo in aad dareentid waji gabaxnimo iyo horusocod la'aan.
7. Subixi marka aad imaaneyso waa in dhamaanba ay diyaar kuuyihiin howlihii/shaqadii guriga oo ay macalimiintaadu kuudireen.
HABKA UGU FUDUD EE AAD UGU GUULEYSAN KARTID DUGSIGAADA SARE, GAAR AHANSE SANADKAADA KOOWAAD:
Sanadka 1-aad, ee DUGSIGA SARE waa mid ay kugu cusubtahay, kuguna adkaaneyso laqabsigeeda. Si aad uga badbaado caqabadaha iyo la qabsi la'aanta kasoo waji karta waxa lagaa rabaa in aad latimaadid qorsho ama waji aad uga badbaadid mushkiladaha kusoo faadsaari kara.
Hadaba ardayahow si aad uga badbaadid, mushkiladaha ama caqabadaha kusoo wajihi doonaa waa in aad udiyaarsanaatid ka hortageeda. Waxa kusoo wajihi kara caqabad ah, Caajis ama gaabis dhanka duruusta ah, kaniyad jab iyo wahsi ama dadaal xumo halakeysa halgankaada. Si waxyaabaha iyo waxa lamidka ah uga badbaadid waa in aad lahaatid ama yeelatid:
1. Go'aan: lahow go'aan aad isaga ilaalinkartid caqabad kugu timaada taas oo sabab unoqota fashilkaad, isla markaana dadaalkaada burburisa.
2. jadwal wax akhris: Xisooyinka ama maadooyinka iskuulku waxa ay leeyihiin amaba udegsan jadwal, jadwalkaas waxa uu sahlayaa in ardaydu ukala nidaamsanaadaan xiisadahooda, xiliga ay qaadanayaan iyo xiliga ay kabaxayaan xiisadaha.
Sidoo kale macalinku waxa uu helayaa fursad uu ardayda kula wadaagi karo cilmiga uu bixinayo. Sidaa oo kale ardayahow dajiso ama sameeyso jadwal wax akhris. Jadwalkaas ha noqdo mid aad unidaamsan oo waxbadan kusoo kordhinaya isla markaana aad kadhabeysid ku dhaqankiisa ama meel marintiisa.
Jadwalka marka aad degsanaysid waa in aad kafikirtaa waxyaabahaan soo socda:
B). Jadwalkaada wax akhris goorma ayuu noqonayaa, habeen, galab mise habeen iyo galabba'.
T). Meeqo daqiiqo ayaad maado waliba ugu talagaleysaa akhrinta ama diyaarinteeda.
J). Hadii uu jadwalkaada qaldamo, maxaa aad kuxalineysaa? Ma iska dhaafid wax akhris mise jadwal kale sameyn ama saxitaanka qaladka soo galay jadwalkaaga.
X). Muhiimad intee la eg ayuu kuuyeelanayaa jadwalkaaga wax akhrinta?
Kh). Hadii waqtigi aad ugu talagashay maado, uu dhamaado maxaad kayeeleysaa maadadaas? Iyo maadada kale ee waqtigeeda lagaaray? Iwm.
Ardayahow hadii aadan horay jadwal udajisan, hada waa in aad dajisataa adiga oo kala tashanaaya, ka tusaale qaadanaaya qaabka aad udiyaarsan kartid macalimiintaada iyo asxaabtaada wanaaga aad ku tuhmeyso amaba udagsanaan jiray jadwal. Kala sheekeyso si aad waxbadan uga ogaatid, kadina isku rogrog talooyinkaaas iyo tusaalayaashii aad kashegay dadka aad kaweraysatay.
Ogsoonow aradahayow in marka hore aad dajisid jadwal ku meel gaar ah, kaas oo kuu sahlaya laqabsiga jadwalkaada rasmiga ah ee wax akhriska. Labada jadwal kan aad hordajineyso waa mid u dhaba xaaraya kan dambe, waana mid aad cashar kabaran kartid ku dhaqankiisa. Hadaba ardayahow jadwalkaada dagso waqti hore oo ay duruustaadu leedahay kadaba tag. Waqtiga aad maado waliba ugu tala galaysid ha ahaado mid macquul ah, oo aadan kuniyad jabaynin ama aadan ku caajiseynin.
Badanaa aradaydu waxa ay isku dayaan in ay jadwal adag dajistaan, waxa ay iska badiyaan waqtiga iyaga oon laqabsanin. Maalmo kadib waxa dhacda in ardaygu uu isagu kaba quusto dajinta jadwal kale sidaasna ay faraha uga baxdo qorshihiisii, isla markaana ay soo wajahaan caqabado, aakhirkiisa dhaxal siiya murugo iyo dadaal xumo.
3. Talo saarasho: si caqabadaha iyo mushkilooyinka uga badbaadid la imow dadaal, oo tala saaro ilaahay(Sw) kuna xirnow oo badi ku xamdimtiisa, ilaahay dadaalkaada dayici maayee.
4. Akhlaaq: ardayahow la imow akhlaaq iyo dhaqan wanaagsan kaas oo ay kaaga daydaan ardayda kale ee iskuulkaada. Waa ogtahay in cilmi aan akhlaaq lahayn uu lamid yahay geed aan miro lahayn!
5. Baarinimo: baari unoqo waalidlaa haday joogaan, ka war haay oo xiriiri. Sidaa si lamid ah ardayahow baari unoqo macalimiintaada oo adeec amarkoodo. Kasbo macalimiintaada oo si wanaagsan uqabo howlaha ay kuudiraan.
Intaa iyo in kawanaagsan hadii aad sameysid waxa hubaal ah, in aad guuleysaneysid insha allah. Isla markaana uu dadaalkaadu noqonayo mid mira dhalay.
Gunaanad:
Waxa aan kaaga dadaalka aad sameysay iyo isku taxalujinta akhrinta qoraalkaan. Waxa aan filayaa in aad wax uun ka faaiiday akhrinta qoraalkaan, waanse rajaynayaa in aad la timaadid dadaal iyo sabar. Waxa aan kuu rajaynayaa guul insha allah.
Intii aad akhrineysay qoraalkaan, wixi khalad ah oo aad kala kulantayna waan kaaraali galinayaa, waxaan kuu rajaynayaa horumar adiga iyo dhamaanba saaxiibadaa. Iskaashada oo isku xirnaada saaxiibadaa kuwa wanaagsan si aad waxbadan ukala faaidaysataan inshaa allah.
Waxa aan kugula dardaarmayaa ardayahow in aad iskudaydid in aad wax akhriso, sababtoi ah hadii aad wax akhris badan latimaadid waxa kuu muuqanaya ama aad fahmeysaa waxbadan oo aadan horay ugaraneynin.
Qalinkii: Cabdixakiim Shiiq Cabdullaahi Jaamac.
Caalim waxbadan og oo aan cilmi badan kutabaayo Masha Allah Dr.Abdihakin Sh.Abdullahi horay usoco Ditoore
ReplyDelete