Posts

Showing posts from April, 2020

RAMADAANKA IYO FAA’IIDOYINKIISA CAAFIMAAD

Image
WAA MAXAAY RAMADAAN?  Ramadaan waa bil kamid ah, bilaha hijriyadda waana bisha 9aad ee tirsiga bilaha hijriga. Ramadaan waa bil ay soomaan muslimiinta dunidu, waxa ayna leedahay faa’iidooyin kala duwan iyadda oo leh fadli iyo barako ay dhertahay bilaha kale ee hijriyadda. Waa bil ilaah addoomadiisa ugu dambi dhaafo, isla markaana aqbalo baryadda iyo cibaadaadka ay lagaarka tahay bishani ramadaan. Bisha ramadaan waa bisha ay ku jirto habeen ka barako badan 83 sanno, muslimiinta duniduna rabbi kabaryaan in habeenkaasi fadliga badan eebbe haleeshiiyo isla markaana aqbalo baryaddooda, sidoo kalena ugu dambi dhaafo kana yeelo kuwo lagu daro liiska kuwa laga xoreeyo naarta.  Ramadaan waa bil tirisiga maalmaheedu noqdaan 29 ama 30 maalimood. Ramadaan waa bisha Quraanka eebbe soo dajiyay, wana bisha Quraanka soo dajintiisu soo dhameystirantay. Ramadaan waa bil maalinkii oo idil ay Soomaan Muslimiintu ayna sidoo kale ka dheeraadan cunista, cabista iyo waxyaabaha kale ee wax u dhimaya s...
Image
Gacma dhaqashada iyo xiliyada ay muhiimka tahay, inaad dhaqdid. Waxa xirfadlayaasha caafimaadku, kugula talinayaan inaad dhaqdo gacmahaada si aad isaga ilaaliso fayruska Coronavirus, hadaba xiligee ayaa muhiim ah in aad dhaqdo ama meyrto gacmahaada? Waxa aad gacmahaada, dhaqaysaa xiliyadaan muuhiimka ah kala duwana sida: 1. Marka aad qufacdo ama aad hindhisto. Dadka qaar waxa ay sameeyaan in ay ku hindhisaan gacmahooda ama ku qufacaan iyaga oo ku daboolaya afka iyo sanka. Marka aad sidaa sameysid dhaq gacmahaada hana ku hindhisin mardambe oo adeegso tiish ama maro nadiif ah, kadiba ku rid weelka loogu talagalay qashinka. Dadka qaarkii iyaga oo ku hindhisay ama ku qufacay gacmahooda ayaa ay salaamayaan qof kale, waana qalad taas hana sameyn. 2. Marka aad la macaamishin qof xanuunsan, dhaq gacmahaada gashnow ama ha gashnaani gloves ama agab kale oo aad isleedahay waxa uu kuu noqon karaa gaashaan. Hadii aadan dhaqin markaan gacmahaada waxa aad khatar ugeysaneysaa naftaada iyo ta...

Popular posts from this blog

MUQDISHO: WADNE SHAQADII GEBAY OO HOWL-GELIN UBAAHAN

RAMADAANKA IYO FAA’IIDOYINKIISA CAAFIMAAD