Posts

Showing posts from 2022

RAMADAANKA IYO FAA’IIDOYINKIISA CAAFIMAAD

Image
WAA MAXAAY RAMADAAN?  Ramadaan waa bil kamid ah, bilaha hijriyadda waana bisha 9aad ee tirsiga bilaha hijriga. Ramadaan waa bil ay soomaan muslimiinta dunidu, waxa ayna leedahay faa’iidooyin kala duwan iyadda oo leh fadli iyo barako ay dhertahay bilaha kale ee hijriyadda. Waa bil ilaah addoomadiisa ugu dambi dhaafo, isla markaana aqbalo baryadda iyo cibaadaadka ay lagaarka tahay bishani ramadaan. Bisha ramadaan waa bisha ay ku jirto habeen ka barako badan 83 sanno, muslimiinta duniduna rabbi kabaryaan in habeenkaasi fadliga badan eebbe haleeshiiyo isla markaana aqbalo baryaddooda, sidoo kalena ugu dambi dhaafo kana yeelo kuwo lagu daro liiska kuwa laga xoreeyo naarta.  Ramadaan waa bil tirisiga maalmaheedu noqdaan 29 ama 30 maalimood. Ramadaan waa bisha Quraanka eebbe soo dajiyay, wana bisha Quraanka soo dajintiisu soo dhameystirantay. Ramadaan waa bil maalinkii oo idil ay Soomaan Muslimiintu ayna sidoo kale ka dheeraadan cunista, cabista iyo waxyaabaha kale ee wax u dhimaya s...

MAXAAD KA OGTAHAY CUDURKA loogu yeero "FURUQA DAANYEERADDA" ama "MONKEYPOX".

Image
MONKEYPOX waa cadur uu keeno fayrus ilma aragtay ah, kana mid ah isirka ama kooxda fayrusyada ee Orthopoxvirus genus, kana tirsan qoyska Poxviridae. Cudurkani waxa sababa fayruska Monkeypox Virus. Waxa uuna leeyahay astaamo ama calaamado lamid ah xanuunkii furuqa oo dunida laga ciribtiray 1980-kii. FURUQA DAANYEERADA (MONKEYPOX), waxa markii ugu horeeysay ee uu u gudbo aadanaha(dadka) kiis ah la daahqaaday sanadkii 1970kii iyada oo halkii lagu arkay ay aheyd waddanka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo, oo dhaca bartamaha qaaradani Afrika. Waxa jirtay wadamo kale oo dhaca bartamaha iyo galbeedka qaaradda oo lagu arkay dad uu soo ritay cudurku waxana ay dadkasi ku sugnaayeen wadamadda Cameroon, Cote d’Ivoire, Congo, Gabon, Liberia, Nigeria iyo Sierra Leone. Waxa sidoo kale jirtay wadamaddo ka baxsan qaarada afrika oo lagu arkay cudurka, waxana la xiriirinayay dad usafray sidaasina uu ku gaaray wadamadaasi cudurku. Wadamadasi waxa kamid ahaa Mareykanka, ingiriiska iyo Singa...

Popular posts from this blog

MUQDISHO: WADNE SHAQADII GEBAY OO HOWL-GELIN UBAAHAN

RAMADAANKA IYO FAA’IIDOYINKIISA CAAFIMAAD