Posts

Showing posts from February, 2023

RAMADAANKA IYO FAA’IIDOYINKIISA CAAFIMAAD

Image
WAA MAXAAY RAMADAAN?  Ramadaan waa bil kamid ah, bilaha hijriyadda waana bisha 9aad ee tirsiga bilaha hijriga. Ramadaan waa bil ay soomaan muslimiinta dunidu, waxa ayna leedahay faa’iidooyin kala duwan iyadda oo leh fadli iyo barako ay dhertahay bilaha kale ee hijriyadda. Waa bil ilaah addoomadiisa ugu dambi dhaafo, isla markaana aqbalo baryadda iyo cibaadaadka ay lagaarka tahay bishani ramadaan. Bisha ramadaan waa bisha ay ku jirto habeen ka barako badan 83 sanno, muslimiinta duniduna rabbi kabaryaan in habeenkaasi fadliga badan eebbe haleeshiiyo isla markaana aqbalo baryaddooda, sidoo kalena ugu dambi dhaafo kana yeelo kuwo lagu daro liiska kuwa laga xoreeyo naarta.  Ramadaan waa bil tirisiga maalmaheedu noqdaan 29 ama 30 maalimood. Ramadaan waa bisha Quraanka eebbe soo dajiyay, wana bisha Quraanka soo dajintiisu soo dhameystirantay. Ramadaan waa bil maalinkii oo idil ay Soomaan Muslimiintu ayna sidoo kale ka dheeraadan cunista, cabista iyo waxyaabaha kale ee wax u dhimaya s...

KANSARKA AFKA MINKA IYO TALAALKA INDIA

Image
Bilooyin ka hor waxa ay baahisay wakaaladda wararka ee Reuters, warbixin kooban oo ku saabsan Serum Institute of India(SII) , oo ah soo saaraha ugu weyn dunida ee talaaladda. Waxa shirkadani ay sidoo kale kaalinta koowaad ugashay shirkadaha waxsoosaarka talaaladda ee gudaha India. Xarunta shirikaddu waa Pune, Maharashtra, India. Waxa hoggaamiya shirkadani Adar Poonawalla, oo ah CEO-ga shirikadda. Shirikadani waxa ay noqtay tii ugu horeysay ee soo saarta talaalka kansarka Afka minka(Cervical Cancer Vaccine) ee gudaha India. Talaalkani ayaa ah mid aad qiimihiisu u hooseeyo isla markaana ay awooddaan in ay ka faaideysaan bulshada dalkaasi. Waxa ay shirikadu sidoo kale talaalka u iibgeyn doontaa dalalka dunida si loo yareeyo halista kansarka Afka minka ee haweenka. Kansarka Afka minka (Cervical Cancer) , ayaa ah kansarka 4 aad ee ugu badan ee kudhaca haweenka dunidda waxa uuna sidoo kale yahay kansarka 7aad ee ugu badan guud ahaan dunidda. Sanadkii 2020 qiyaastii 600, 000 oo kiisas ...

Popular posts from this blog

MUQDISHO: WADNE SHAQADII GEBAY OO HOWL-GELIN UBAAHAN

RAMADAANKA IYO FAA’IIDOYINKIISA CAAFIMAAD