Posts

Showing posts from August, 2019

RAMADAANKA IYO FAA’IIDOYINKIISA CAAFIMAAD

Image
WAA MAXAAY RAMADAAN?  Ramadaan waa bil kamid ah, bilaha hijriyadda waana bisha 9aad ee tirsiga bilaha hijriga. Ramadaan waa bil ay soomaan muslimiinta dunidu, waxa ayna leedahay faa’iidooyin kala duwan iyadda oo leh fadli iyo barako ay dhertahay bilaha kale ee hijriyadda. Waa bil ilaah addoomadiisa ugu dambi dhaafo, isla markaana aqbalo baryadda iyo cibaadaadka ay lagaarka tahay bishani ramadaan. Bisha ramadaan waa bisha ay ku jirto habeen ka barako badan 83 sanno, muslimiinta duniduna rabbi kabaryaan in habeenkaasi fadliga badan eebbe haleeshiiyo isla markaana aqbalo baryaddooda, sidoo kalena ugu dambi dhaafo kana yeelo kuwo lagu daro liiska kuwa laga xoreeyo naarta.  Ramadaan waa bil tirisiga maalmaheedu noqdaan 29 ama 30 maalimood. Ramadaan waa bisha Quraanka eebbe soo dajiyay, wana bisha Quraanka soo dajintiisu soo dhameystirantay. Ramadaan waa bil maalinkii oo idil ay Soomaan Muslimiintu ayna sidoo kale ka dheeraadan cunista, cabista iyo waxyaabaha kale ee wax u dhimaya s...
Image
“Arday aan jeebkiisu qalin kujirin, Waa askari aan qasnada qoraygiisu rasaas kujirin oo kale”  ~ Cabdixakiim sh Cabdulaahi ~. Ujjeeddada oraahdaan ayaa ah in dhamaan ardaydu diyaar la ahaadaan agabka ay wax kubaranayaan sida qalimaanta, buuggta iwm. Waxaa ay xikmadaan ama oraahdaan Ku dhex jira in ardayga aan qalinka wadan uu lamid yahay askari aan qasnada qoraygiisu rasaas kujirin, taas oo Ku tusineysa in askarigu sababta uu qoriga usito tahay udiyaarsanaanta dagaal ama isdifaacid nafsi ah ama difaac bulsho iyo dana qaran, gobal iwm, waana muhiim in askarigu qorigiisa rasas kujirto si uu ugu sayriyo cadawga uu waardiyaha isaga jiro ama uu umada uga jiro. Sidaa si lamid ah ayaa waxa muhiim ah in ardaygu yahay arday uu u diyaarsanyahay qalankii uu wax kuqori lahaa, si uu ugu qorto casharta, meelaha muhiimka ah, xikmadaha iyo tusaalooyinka mugga iyo miisaanka leh ee kasoo butaacanaya baraha ardayga, indha ergaradka, aqoonyahanka iyo dhamaan asxaabta kale ee cilmiga usaaxiibk...
Image
DUGSIGAADA SARE, LA IMOW DADAALKIISA : Horudhac : Waxa mahad oo dhan u sugnaatay, ilaah(SW) oo ii suurto galiyay, in aan bilaabo isla markaana aan dhameeyo maqaalkaan cajiibka ah, ee aan uga hadlayo DUGSIGA SARE IYO DADAALKA lagaa rabo in aad galiso, ama sameyso si aad ugu guuleysato halgankaada waxbarasho isla markaana aad gaartid guulo waaweyn oo wax Ku ool ah. Hadaba akhristow waxa aan maqaalkaan, ugu tala galay adiga qudhaada oo akhrinaya qoraalkaan, waa adiga ardayga ah ee maqaalkaan akhrinaya waa adiga bilaabaya Marxaladaada Waxbarasho ee Dugsiga sare, maqaalkaan waa mid aan isleeyahay waxbadan ayuu kugu soo kordhin karaa, waana mid aan kuugu tala galay. Waxa aan rajaynayaa in aad waqti siin doontid isla markaana aad si wanaagsan u dhuuxdid macnaha iyo miisanka erayada dardaarnka iyo latalinta ubadan ee dhex ceegaaga maqaalka kuwaas oo aan rajaynayo in ay kuu noqdaan kuwo halgankaada xoojiya, isla markaana kugu dhaliya dareen iyo dadaal dhab ah. Inta aad ku guda jirto, ...

Popular posts from this blog

MUQDISHO: WADNE SHAQADII GEBAY OO HOWL-GELIN UBAAHAN

RAMADAANKA IYO FAA’IIDOYINKIISA CAAFIMAAD