Posts

RAMADAANKA IYO FAA’IIDOYINKIISA CAAFIMAAD

Image
WAA MAXAAY RAMADAAN?  Ramadaan waa bil kamid ah, bilaha hijriyadda waana bisha 9aad ee tirsiga bilaha hijriga. Ramadaan waa bil ay soomaan muslimiinta dunidu, waxa ayna leedahay faa’iidooyin kala duwan iyadda oo leh fadli iyo barako ay dhertahay bilaha kale ee hijriyadda. Waa bil ilaah addoomadiisa ugu dambi dhaafo, isla markaana aqbalo baryadda iyo cibaadaadka ay lagaarka tahay bishani ramadaan. Bisha ramadaan waa bisha ay ku jirto habeen ka barako badan 83 sanno, muslimiinta duniduna rabbi kabaryaan in habeenkaasi fadliga badan eebbe haleeshiiyo isla markaana aqbalo baryaddooda, sidoo kalena ugu dambi dhaafo kana yeelo kuwo lagu daro liiska kuwa laga xoreeyo naarta.  Ramadaan waa bil tirisiga maalmaheedu noqdaan 29 ama 30 maalimood. Ramadaan waa bisha Quraanka eebbe soo dajiyay, wana bisha Quraanka soo dajintiisu soo dhameystirantay. Ramadaan waa bil maalinkii oo idil ay Soomaan Muslimiintu ayna sidoo kale ka dheeraadan cunista, cabista iyo waxyaabaha kale ee wax u dhimaya s...
Image
BAAHISTA XANUUNKA EBOLA:  Ebola Virus Disease, waa cudur kamid cudurada khatarta ah, cudurkani ayaa ah mid dhimashadiisu ay badantahay, waxa uuna saameyaa noolaha sida aadanaha iyo xayaawano kale oo ay kamid yihiin monkeys, gorillas, iyo chimpanzees. Cudurkani waxa sababa koox virus-yo ah, waxana kamid ah virus-yada Ebola, Sudan, Taï Forest, Bundibugyo, Reston iyo Bombali virus. Hadaba virus-yada Ebola, Sudan, Taï Forest, and Bundibugyo ayaa la ogyahay in ay xanuunkaan kusababaan aadanaha. Halka virus-ka loo yaqan Reston virus uu kusababo xanuunka Ebola, xayawaanada ay kamidyihiin Daanyeerada iyo Doofaarada. Virus-ka Ebola virus waxa shaaca laga qaaday markiisii ugu horeysay sanadii 1976-kii, iyada oo lagu arkay meel udhaw wabiga Ebola ee dalka Jahmuuriyada Dimuqraadiga ee Congo. Xanuunkani Ebola, ayaa waxa uu kufidaa si dadban ama si toos ah iyo si aan toos ahayn. Sida aan toosla ahayn ee xanuunkani kufaafo waxa kamid ah Dheecaanada oo isgaara, waxa uu si toos ah ugu faafa...
Image
Soomaalay Dantaa Garo:  Waxa mahad oo dhan usugnaatay illaah(SW), oo inaga dhigay umad Muslim, Afrikaan ah. Ina siiyay dhul, dhaqan iyo Af aan kala dhicin intaba. Waxaa mahadaas oo dhanba usugnaatay illaah(Sw), waxaadse moodaa in aan kabaahanay nimcooyinkaas, oo aan xitaa aan dareersaneen badideen. Dalkeenu waxa uu soomaray marxalado kala duwan, kuwaas oo badankood laga dhaxlay samaan iyo xumaanba. Waxa uu dalkeenu soo maray, marki lasoo koobo 3-Marxaladood, kuwaas oo kala ah, Marxalad Gumeysi, Marxalad maamul dowladeed oo dalka soo maray iyo Marxaladaan aan hada kujirno ee burburka ah. Dadkeenu waxa uu lahaa sharaf iyo haybad tan maanta ay haystaan kasareysay, waxa aan dunida kulahayn ixtiraam, qadarin iyo Maamuus goonni ah. Waxa uu dalku galay marxalad burbur, oo sabab unoqotay in ay dumaan dhamaanba, waxyaabihii lagu yaqaanay bulshadeena, waxaa lumay kalsoonidii, sharafkii, aaminaadii iyo haybadii lagu yaqaanay bulshadeena. Waxaa bulshadeena kushaabadaysan/ kushaabaday...
Image
Khaadka Iyo Dhibaatoyinkiisa : Khaadku Waa Maandooriye Ka Mid Ah Maandooriyayaasha Saameeya Jiritaanka Nolosha Aadanaha Gaar Ahaanse Isticmaalayayaasha Cuna Khaadka. Hadaba Khaadka Waxaa Siweyn looga Isticmaalaa Waddamada Somaliya, Ethopia, Kenya, Yeman , Djabouti iyo kuwa kale . Waxaana Dadka Isticmaala Khaadka Isugu Jiraan Dadka Qaybihiisa Kala Duwan Sida, Kuwa Kunool Dabaqada Sare, Dhexe iyo Hoose. Khaadku Waxa Uu Sababaa Bur Bur Dhaqaale Iyo Waliba Caafimaad Daro. Dhibaatoyinka Kadhasha Khaadka Ama Uu Ukeeno Dadka Isticmaala Waxaa Kamid Ah: Madax-xabuun, misaanka Qofka Oo Isdhima, Cagaarshow, Kaadi Dhiig iyo Waliba Xanuuno Kale Oo Khatar ku Ah Caafimaadka Isticmalaha. Waxaa Khaada, Maansooyin, Geeraaro, Heeso iyo Baraanburo Kasameyay Abwaanada Iyo Fanaaniinta. Waxaa Kadigay Kana Hadlay Khatartiisa Culimada iyo Dhaqaatiirta Somaliyeed. Waxaa Wax kaqoray Qoraayaasha Somalida Balse Waxaa Muuqata In Cunistii Khaadku Ay Wali Sii Socoto Marka Laga Reebo Inyar Oo Iska J...

Tufaaxa iyo Faaidoyinka Caafimaad Ee uu leeyahay.

Image
Tufaaxa iyo Faaidoyinka Caafimaad:  Tufaaxu Waxa uu ka mid yahay Khudradaha Ama Miraha Muhiimka u ah Caafimaadka Jirka Bini-aadamka. Qaab ahaan Tufaaxa ayaa ah Mid Wareegsan lehna Midabada Casaanka(Guduud), Jaallaha iyo Cagaarka. Tufaax a oo muhiim u ah Caafimadka jirka Ayaa Waxa uu Kakoobanyahay Carbohydrates, fats, Water, Vitamin B1, B2,B3,B5, B6, vitamin C, E, K, proteins iyo Minerals ay kamid yihiin Calcium, Iron, Potassium, Sodium, phosphorus, manganese IWM. Faaidoyinka Caafimaad Ee Tufaaxa:  Tufaaxa ayaa Waxa kamid ah Faaidoyinkisa Waxyaabahaan Soo Socda: 1. Waxa uu Yareeyaa Cholesterol-ka loo yaqaan (Bad Cholesterol) Iyo Sare ukaca Cadaadiska Dhiiga (High Blood Pressure). 2. Waxa uu yareeyaa Khatarta Cudurka Macaanka(Diabetics). 3. Waxa uu Difaac uyahay Wadnaha Kana Hortagaa Cudurada Wadnaha. 4. Waxa uu yareyaa Khatarta Cudurka Neefta (Asthma) 5. Waxa uu Kahortag uyahay Cancer-ada Nasaha,Sambabka,Beerk iyo Mindhicirada 6. Waxa uu uwanagsan yahay Lafaha I...

Qormo Kusaabsan: (-Dhibaatooyinka Haysta Bulshada Danyarta Ah Ee Somaalida-)

Image
Kadib Burburkii Dowladii Dhexe Ee Soomaaliya Sanadii 1991-kii Ayaa Waxa Uu Dalku Galay Xaalad Kaduwan Xaaladii Hore Ee Dalku Ku Jiray Waxaana Guud Ahaanba Dalka Ka Qarxay Dagaallo Sokeeye Kuwaas Oo Sabab Unoqday Barakaca Bulshooyinkii Kunoolaa Magaalooyinka Waa Weyn Ee Dalka Kuwaas Oo Badankood Uqaxeen Banaanka/Dibada Dalka Halka Kuwa Kalana Ay Ku Barakaceen Isla Gudaha Dalka. Dagaaaladii Sokeeye Ee Dalka Ka Qarxay Ayaa Sidoo Kale Sababay Qasaaro Nafeed iyo Mid Hantiyadeedba. Hadaba Intii Lagu Guda Jiray Dagaaladaas Ayaa Waxa Sidoo Kale Burbur Kudhacay Xarumihii Waxbarashada Dalka Kuwaas Oo Noqday Badankood Kuwa Aan Shaqeyn. Xarumihii Waxbarashada Dalka Oo Aan Shaqeyn Ayaa Waxa Ay Sabab Unoqotay In Ay Korarto Ama Badato Tirada Ubadka Soomliyeed Ee Aan Waxbarashada Aadin Kuwaas Oo Ay Ku Kaliftay Duruufo Dhaqaaale Darteed. Hadaba Dib Usoo Noolaanshaha Rajada Nabada Iyo Horumarka Dalka Ayaa Waxa Ay Hormuud Unoqoneysa In Ubadka Soomaaliyeed Ee Hada Soo Baxaya Helaan Hanaan Waxbarsheed ...

Popular posts from this blog

MUQDISHO: WADNE SHAQADII GEBAY OO HOWL-GELIN UBAAHAN

RAMADAANKA IYO FAA’IIDOYINKIISA CAAFIMAAD