Posts

RAMADAANKA IYO FAA’IIDOYINKIISA CAAFIMAAD

Image
WAA MAXAAY RAMADAAN?  Ramadaan waa bil kamid ah, bilaha hijriyadda waana bisha 9aad ee tirsiga bilaha hijriga. Ramadaan waa bil ay soomaan muslimiinta dunidu, waxa ayna leedahay faa’iidooyin kala duwan iyadda oo leh fadli iyo barako ay dhertahay bilaha kale ee hijriyadda. Waa bil ilaah addoomadiisa ugu dambi dhaafo, isla markaana aqbalo baryadda iyo cibaadaadka ay lagaarka tahay bishani ramadaan. Bisha ramadaan waa bisha ay ku jirto habeen ka barako badan 83 sanno, muslimiinta duniduna rabbi kabaryaan in habeenkaasi fadliga badan eebbe haleeshiiyo isla markaana aqbalo baryaddooda, sidoo kalena ugu dambi dhaafo kana yeelo kuwo lagu daro liiska kuwa laga xoreeyo naarta.  Ramadaan waa bil tirisiga maalmaheedu noqdaan 29 ama 30 maalimood. Ramadaan waa bisha Quraanka eebbe soo dajiyay, wana bisha Quraanka soo dajintiisu soo dhameystirantay. Ramadaan waa bil maalinkii oo idil ay Soomaan Muslimiintu ayna sidoo kale ka dheeraadan cunista, cabista iyo waxyaabaha kale ee wax u dhimaya s...

MUQDISHO: WADNE SHAQADII GEBAY OO HOWL-GELIN UBAAHAN

Image
Bismilaah , waxa ay mahad oo idil ay u sugnaatay allaha leh kownkaan inagana dhigay addoomihiisa, allaha ina faray isugu kaalmeynta Samaha iyo alle ka cabsiga inagana reebay isugu kaalmeynta xumaanta, cadaawadda iyo cadawtinimada.  Mahad Alle dabadeed , waxa aan u mahadcelinayaa cidkasta oo faafisa qormadaan, qaadata, codeysa, dhagangelisa ama si kasta oo wanaag ay ku horseedi karto qayb ka noqota. Waxa aan qormadeydaan diiradda ku saarayaa dhibaato damqisay qof kasta oo leh damiir, dadnimo iyo danqasho. Waxa aan qormadeydaan Ciwaan uga dhigay, Muqdisho: Wadne shaqadii gebay oo howgelin u baahan. Si aan faham fiican kaaga siiyo qormadaan, Daqiiqado koban I amaahi dareenkaadda arag, maqal iyo maskaxed, haddii aad qormadaan codeys, qoraal, maqal iyo muuqaal intaba mid uun ay kugu soo gaareyso.  Ugu horeyn , iii ogolaaw in aan warbixin kooban kaasiiyo, Wadnaha, qaab dhismeedka iyo shaqadiisa si kooban inkasta oo ay surtagal tahay in aanan kuu siin sidii u warbixin kaaga siin laha...

KANSARKA AFKA MINKA IYO TALAALKA INDIA

Image
Bilooyin ka hor waxa ay baahisay wakaaladda wararka ee Reuters, warbixin kooban oo ku saabsan Serum Institute of India(SII) , oo ah soo saaraha ugu weyn dunida ee talaaladda. Waxa shirkadani ay sidoo kale kaalinta koowaad ugashay shirkadaha waxsoosaarka talaaladda ee gudaha India. Xarunta shirikaddu waa Pune, Maharashtra, India. Waxa hoggaamiya shirkadani Adar Poonawalla, oo ah CEO-ga shirikadda. Shirikadani waxa ay noqtay tii ugu horeysay ee soo saarta talaalka kansarka Afka minka(Cervical Cancer Vaccine) ee gudaha India. Talaalkani ayaa ah mid aad qiimihiisu u hooseeyo isla markaana ay awooddaan in ay ka faaideysaan bulshada dalkaasi. Waxa ay shirikadu sidoo kale talaalka u iibgeyn doontaa dalalka dunida si loo yareeyo halista kansarka Afka minka ee haweenka. Kansarka Afka minka (Cervical Cancer) , ayaa ah kansarka 4 aad ee ugu badan ee kudhaca haweenka dunidda waxa uuna sidoo kale yahay kansarka 7aad ee ugu badan guud ahaan dunidda. Sanadkii 2020 qiyaastii 600, 000 oo kiisas ...

MAXAAD KA OGTAHAY CUDURKA loogu yeero "FURUQA DAANYEERADDA" ama "MONKEYPOX".

Image
MONKEYPOX waa cadur uu keeno fayrus ilma aragtay ah, kana mid ah isirka ama kooxda fayrusyada ee Orthopoxvirus genus, kana tirsan qoyska Poxviridae. Cudurkani waxa sababa fayruska Monkeypox Virus. Waxa uuna leeyahay astaamo ama calaamado lamid ah xanuunkii furuqa oo dunida laga ciribtiray 1980-kii. FURUQA DAANYEERADA (MONKEYPOX), waxa markii ugu horeeysay ee uu u gudbo aadanaha(dadka) kiis ah la daahqaaday sanadkii 1970kii iyada oo halkii lagu arkay ay aheyd waddanka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo, oo dhaca bartamaha qaaradani Afrika. Waxa jirtay wadamo kale oo dhaca bartamaha iyo galbeedka qaaradda oo lagu arkay dad uu soo ritay cudurku waxana ay dadkasi ku sugnaayeen wadamadda Cameroon, Cote d’Ivoire, Congo, Gabon, Liberia, Nigeria iyo Sierra Leone. Waxa sidoo kale jirtay wadamaddo ka baxsan qaarada afrika oo lagu arkay cudurka, waxana la xiriirinayay dad usafray sidaasina uu ku gaaray wadamadaasi cudurku. Wadamadasi waxa kamid ahaa Mareykanka, ingiriiska iyo Singa...

MAALINTA CAALAMIGA AH EE XUSKA OOFWAREENKA ADDUUNKA(World Pneumonia Day):

Image
12-ka November, sanad waliba waxa dunida laga xusaa maalinta caalamiga ah ee oofwareenka adduunka. Maanta oo kale waxa dunida laga sameeya wacyigelin iyo olole baraarujineed oo kor loogu qaadayo wacyiga oofwareenka iyo dhibaatada uu leeyahay.  Oofwareenku(Pneumonia) , waa xanuun ku dhaca neefmareenka gaar ahaanse, sambabada qaybaha hoose ee kiishashka hawada(Alveoli) iyo interstitial spaces-ka. Waxa sababa xanuunkani waa bakteeriya, sidoo kale waxa sababi kara fayruska. Oofwareenku waa xanuunka ugu badan ee dila caruurta ka yar da'da 5 jirka. Sanad waliba waxa u geeriyooda xanunkani 740 000 oo qof. Astaamaha aad ku garan karto, xanuunkani waxa kamid ah: qufac (badanaa qalalan), neefta ku dhibta, xabad xanuun, qandho, garaca wadnaha oo kordha, madax xanuun, dhidid, lalabo ama matag. Waxa sidoo kale jira astaamo kale laakiin aan kuwo badanaa la arko aheyn waxana kamid ah, qufac dhiig lasocdo, xiiq, daal, kalagoysyo xanuun iyo murqo xanuun.  YAA HALIS UGU JIRA AMA UU XANUUNKANI H...
Image
Gacma dhaqashada iyo xiliyada ay muhiimka tahay, inaad dhaqdid. Waxa xirfadlayaasha caafimaadku, kugula talinayaan inaad dhaqdo gacmahaada si aad isaga ilaaliso fayruska Coronavirus, hadaba xiligee ayaa muhiim ah in aad dhaqdo ama meyrto gacmahaada? Waxa aad gacmahaada, dhaqaysaa xiliyadaan muuhiimka ah kala duwana sida: 1. Marka aad qufacdo ama aad hindhisto. Dadka qaar waxa ay sameeyaan in ay ku hindhisaan gacmahooda ama ku qufacaan iyaga oo ku daboolaya afka iyo sanka. Marka aad sidaa sameysid dhaq gacmahaada hana ku hindhisin mardambe oo adeegso tiish ama maro nadiif ah, kadiba ku rid weelka loogu talagalay qashinka. Dadka qaarkii iyaga oo ku hindhisay ama ku qufacay gacmahooda ayaa ay salaamayaan qof kale, waana qalad taas hana sameyn. 2. Marka aad la macaamishin qof xanuunsan, dhaq gacmahaada gashnow ama ha gashnaani gloves ama agab kale oo aad isleedahay waxa uu kuu noqon karaa gaashaan. Hadii aadan dhaqin markaan gacmahaada waxa aad khatar ugeysaneysaa naftaada iyo ta...
Image
"KALIGAA ISDIL, OO DADKA KALE HA GALAAFAN" Horudhac : Waxaa mahad iskaleh Allah(SW) oo ii suurto geliyay in aan qorro qormadaan yar ee aan uga hadlayo, macluumaad guud oo kusaabsan maandooriyaasha, si gaar ahna taabuugga oo sanadaan dambe ay aad u kordheysay isticmaalka iyo iibintiisaba. Si aad ugga hesho faham guud waxa uu yahay taabuugga, halka laga isticmaalo iyo dadka isticnaalaba ha ka caajisin aqrinta qormadaan yar ee aan kuuggu bidhaaminayo. Dalalka dunnida waxaa laga isticmaalaa maandooriyayaal kala duwan mid walibana waxa uu reebaa ama laga dhaxlaa dhibaato, hadaba qormadaan waxa ay sidoo kale iftiiminaysaa tirroyin maandooriyayaal kale ah oo laga isticmaalo dalkeena, yaa isticmaala, halkee lagu isticmaalaa IWM, waxa aad sitoos ah weydiimahaan oo kale ugga helaysaa iyaga oo faahfaahsan isla qormadaan dhexdeeda. Si aad udhuuxdo macluumada ay xambaarsantahay qormadaan waa in aad siisaa maskax soo jeedda, una hamuun qabta  aqrinta iyo kuraaxaysiga qormadaan. Ma...

Popular posts from this blog

MUQDISHO: WADNE SHAQADII GEBAY OO HOWL-GELIN UBAAHAN

RAMADAANKA IYO FAA’IIDOYINKIISA CAAFIMAAD